ROOBABKII MUQDISHO OO GALAAFTAY 7-DHIMASHO IYO 9-GURI OO BURBURAY.
(SAWIRKA)-MOOTO BAJAAJ.
(DR-CONGO)-Ugu yaraan 62 qof ayaa la xaqiijiyay iney dhinteen 50 kalena waa la la’yahay ka dib markii daadad xooggan ey ku dhufteen tuulooyinka ku teedsan Harada Tanganyika ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo ee Bariga Gobolka Kivu, sida ey saraakiishu sheegeen Sabtidii. Daadadku waxay dhaceen abaaro 5-tii subaxnimo ee wakhtiga maxaliga ah (03:00GMT) Jimcihii, markaasoo ey biyo badan qarqiyeen tuulada Kasaba ee qaybta Ngandja, sida ey sheegeen goobjoogayaal. Roobab dabaylo wata ayaa kiciyay daadad, guryahoodii way qaadeen, isgaarsiintiina weey jareen. Wasiirka Caafimaadka ee Gobolka South Kivu Theophile Walulika Muzaliwa ayaa khadka taleefoonka ugu sheegay Arab News in dadaallada baadigoobka iyo samatabbixinta ey si weyn u hor istaageen. “Madaxda qeybaha, gudoomiyaasha tuulooyinka iyo gudoomiyaasha degmooyinka oo sidoo kale ka tirsan dowladda hoose ayaa ku sugan, hey’adda kaliya ee hadda ka shaqeysa arrimaha bini’aadantinimada waa Laanqeyrta Cas, suurtagal ma ahan in qiimeyn lagu sameeyo maadaama ey socdaan baaritaanada meydadka” ayuu yiri Muzaliwa. Daadadku waxay dhaceen toddobaadyo ka dib markii roob la mid ah uu diley 33 dhibanayaal ah caasimadda Qaranka ee Kinshasa. Kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka ayaa burburay bilihii la soo dhaafay, iyadoo gurmadka bini'aadantinimo ey cakirtay colaadda gobolka. Dagaallada u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kooxaha hubeysan ee M23 ayaa sii kordhay bishii Febraayo, waxaana ey sii kordhiyeen waxa ey Qaramada Midoobay ku tilmaantay mid ka mid ah dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee ugu xun adduunka. Weli waxa eyna ku guda jirnaa wararka ku saabsan Roobabka Mahiigaanka ee ka da’ay dalal ka mida Qaaradda Afrika gaar ahaan Bariga iyo Bartamaha,Roobabkii shalay ilaa xalay ka da’ay caasimadda Muqdisho ee dalka Soomaaliya ayaa si xun u saameeyay nolosha dadka degan caasimadda,Ugu yaraan 7 qof ayaa ku dhintay sagaal gurina waa ey ku dumeen roobab mahiigaan ah iyo daadad xalay ka da’ay magaalada Muqdisho, sida ey sheegtay Wakaaladda Wararka ee SONNA, Sabtidii shalay. Roobabkan oo socday muddo 8 saacadood ah ayaa waxa ka dhashay khasaare nafeed, burbur hantiyeed iyo burbur soo gaaray lix waddo oo ey daadku qaadeen, sida ey hay’addu ku qortay barteeda(X). Caasimadda ayaa habeenkii Jimcaha ilaa subaxnimadii Sabtida ka da’ay roobab mahiigaan ah, kuwaasoo saameyn ku yeeshay isu socodka gaadiidka iyo guryaha, iyadoo la filayo in saacadaha soo socda roobab kale ey da'aan, sida ey sheegtay SONNA. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Jibriil Cabdirashiid oo ah Guddoomiyaha Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha, ayaa ku booriyay dadka deegaanka, gaar ahaan kuwa ku nool agagaarka marinnada biyaha, iney muujiyaan taxadar dheeraad ah. Taliyaha booliska Brig. Gen. Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa kormeeray hawlgallada gargaarka ah oo ey booliiska ku caawinayaan dadka ey dhibaatadu saameysey.
ISHA-ANADOLU.