MAXAA LA GUDBOON MW-XASAN SHEEKH,KA DIB HADALKII MARAYKANKA?
(SAWIRKA)-GWQ.
(MUQDISHO)-Waxa aan la wada soconaa in 6-dii ilaa 7-dii bishan shanaad-2025-ka in magaaladda Muqdisho uu ka dhacay Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran eyna garwadeenka ka ahayd Dawladda Federaalka Soomaaliya ee uu Madaxweynaha ka yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud, shirkaan ayaa waxaa ka soo qeybgalay Madaxda maamuladda”G/Mudug, H/shabeele, K/Galbeed, G/banaadir iyo Hogaamiyaha SSCKHATUMO”. Shirka ayaa waxaa laga soo saaray War-Murtiyeed ka kooban ilaa toban Qodob kuwaaso intooda badan saameyn xoogan ku leh Siyaasadda dalka,Doorashooyinka iyo Amniga Qaranka,hadaba maxaa xigay oo soo kordhay? Dawladda Maraykanka oo ka mid ah tiirarka ey sida aadka ah ugu tiirsan tahay DFS ayaa si cad waxa ey uga hortimid waxyaabihii ka soo baxay Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran, waxaane shalay oo Jimca ahayd baraha bushada gaar ahaan barta (X) ee horay loogu yaqiin Twitter qoraal aad u kooban kuna saabsan wixi ka soo baxay Shirkii Wadatashiga soo dhigtay Waaxda Arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka. Qoraalka ayaa lagu sheegay “Dhammaan dadka ey khuseyso arrintaan waa iney fikrad ka dhiibtaan isbedelka lagu sameynaayo Nidaamka Federaalka iyo Doorashooyinka Soomaaliya. Go’aanada la qaato iyada oo aan loo dhammeyn waxaa ka maqnaan doonto sharciyadda,waxa eyna caqabad ku noqon doonaan Amniga dalka”. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud waxaa laga rabaa inuu la yimaado shaqo muujineyso inuu u jiheystay in laga maarmo Ajaanibta,iska caabinta faragelinta Ajaanibta,waxaane Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud laga rabaa inuu ku dhaqaaqo qodobadaan soo socdo: (1)-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud waa inuu ku laabtaa dagaalka Argagixisada waayo Soomaaliya oo Argagixiso xor ka ah waxba ugama baahna Ajnabi,sidaas darteed, Madaxweyne Xasan Sheekh waa inuu mudnaanta koowaad siiyaa dagaalka Argagixsada taaso keeni doonta in reer Galbeedku ineysan ka hadli karin Siyaasadda Gudaha ee Soomaaliya inta uu socdo dagaalka Argagixisada. (2)-Dhismaha Ciidanka, waa mid ka mid ah shaqooyinka Ajnabigu ka haayo dalka Soomaaliya,waa iney DFS ku garab siiyaan dhismaha Ciidamadda,waa in shaqada dhismaha ciidanka laga dhigaa Mashruuc Soomaliyeed lagana saaraa gacmaha shisheeyaha,lana abuuraa dariiq sax ah oo lagu gaari karo in ciidanka Soomaaliya hantaan amaanka dalkooda. (3)-Dhismaha Dhaqaalaha ee DFS, kabka dhaqaalaha ee hadda la siiyo Soomaaliya waa mid aad u yar gaar ahaan tan iyo markii deynta laga cafiyey DFS. Madaxweyne Xasan Sheekh iyo nidaamkiisa waxaa laga rabaa iney xoog badan geliyaan iney DFS dhaqaale ahaan is bixiso oo ey ka maaranto qaaraanka Ajnabiga,haddii seddexdaas qodob ee aan soo xusnay uu Madaxweyne Xasan Sheekh ka dhigto iyo Mashruuc Soomaali u dhan tahay, waa iska celin karaa Ajnabiga waana soo gaaban doonaa cimriga faragelinta ee reer Gakbeedka iyo Carabtu ku hayaan Soomaaliya, sidoo kale, inta ey qodobadaan ka hirgelayaan waa inuu Madaxweyne Xasan Sheekh aqbalin talaabooyinka Ajnabiga ee dhaawacaaya Qabka iyo Qaranimada Soomaaliya.
ISHA-WAKAALAD.