CIIDAN KA GADOODAY KULIYADDA CARMO.

(SAWIRKA)-BOSAASO.

(PORT SUDAN)-Wararka ka imaanaayo caasimadda ku meel gaarka ah ee dalka Sudan ee Porta Sudan ayaa sheegaayo in Dawladda Imaaraatka Carabta iney Isbitaal ku yaalo Garoonka Diyaaradaha magaaladda BOSAASO ee DG Puntland ey geysay dhaawacyadii Maleeshiyaadkii RSF iyo Calooshood u shaqeytayaal Kolombiyaanka ah. Sida ey xaqiijiyeen Seddex ilo wareed Amni kana tirsan Hayadaha Nabad Sugidda Puntland, Imaaraatka Carabta ayaa la sheegay iney isticmaalaan Isbitaalka Beerta oo ey ka hawlgalaan Garoonka Diyaaradaha magaaladda Bosaaso, sidoo kale,halkaas Imaaraatku waxa ey ku leeyihiin Saldhig Ciidan. Maleeshiyaad RSF iyo calooshood u shaqeystayaasha Kolombiyaanka ah ayaa halkaasi loo kenay si looga daaaweeyo dhawacyadii soo gaaray. Wararka ayaa tibaaxaayo in ku dhawaad ilaa 70-dagaalyahan oo ka tirsan Maleeshiyaadka RSF in hadda daryeel caafimaad loogu fidinaayo Isbitaalka Beerta. Isbitaalkan oo ku yaalo gudaha Saldhiga Ciidan ee Imaaraatka Carabta ku leeyahay Bosaaso ayaa ah mid lagu daaweeyo dhaawacyadda RSF-ta laga keeno dalka Sudan,mana dhicin weli in Isbitaalkaasi in la geeyo Ciidamadda Dawlad Goboleedka Puntland ee dagaalka Daacish ku soo dhaawacma. Dalka Imaaraatka Carabta ayaa horay u sheegay in Dawlad Goboleedka Puntland uu ka taageeraayo dagaalka Daacish,hadane agabkii ayaa noqday mid loo wareejiyey dhinaca Isbitaalka lagu daaweynaayo RSF-ta iyo Calooshood u shaqeystayaasha u dhashay dalka Kolombiya. Ilo wareedyo ku sugan magaaladda Boosaaso ayaa xaqiijiyey in Ciidamada Imaaraatka Carabta ee ku sugan Boosaaso ee horay tababar u siin jiray ciidanka PMPF-ta in hadda ey bilaabeen iney xooga saaraan sidii Maleshiyaad loogu diyaarin lahaa RSF-ta gudaha magaaladda Boosaaso,kuwaaso laga kala keenaayo Puntland iyo Koonfurta dalka Yeman,halkaaso Imaaraatku ku leeyahay saldhigyo iyo xabsiyo kala duwan oo dadka reer Yeman aad loogu ciqaabo. Warbaahinta Maxaliga ah ee Bosaaso ayaa soo tebineysa in Ciidamaddii ku xareysnaa Kuliyadda CARMO iney maanta oo Sabti ah ey sameeyeen Gadood ey kaga soo horjeedaan Musuq-Maasuq iyo wax isdaba marin lagu sameeyey Darajada Ciidanka iyo shaqooyinka ey qaban doonaan marka ey hawlgalaan. Ciidamadii kasoo kala jeeda Carmo iyo G/bari ayaa gebigood waxaa lagu qoray Booliska Wadooyinka(Traffico) iyo Ilaaladda Canshuuraha ee (turubataariyo) halkii ciidamdii ey wateen masulliyiinta kala ah Maxamed wadani iyo taliyaha Booliska DG Puntland Muumin lagu qoray Hogaamada Ciidanka iyo Hayadda Dembi Baarista Puntland ee (C.I.D). Wararka qaar ayaa sheegaayo in Maxamed Wadani yahay shaqsiga sameeyey Musuqa ugu weyn ka dib markii rag ey qaraabo dhaw yihiin uu kuwada qoray boosas wanaagsan iyagoo aan waxba aqoon ah lahayn halka laga tegay dhallinyaradii wadatay Shahaadadaha Jaamicadeed.

ISHA-SUUQBACAAD MEDIA.

Previous
Previous

MAXAA LA GUDBOON MW-XASAN SHEEKH,KA DIB HADALKII MARAYKANKA?

Next
Next

BEESHA CAALAMKA OO LA SAFATAY SUUDAAN.