BEESHA CAALAMKA OO LA SAFATAY SUUDAAN.

(SAWIRKA)-DEKEDDA PORT SUUDAAN.

(KHARTOUM)-Wararka laga helaayo magaala Xeebeedka Boorta Suudaan ee dalka Suudaan ayaa sheegaayo in Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dawladda Suudaan ey soo saartay bayaan ey ku muujineyso sida ey ugu faraxsan tahay Mawqifka Caalamiga ah ee lagu diiday isku dayga lagu doonaayey in lagu dhiso maamul is barbarb socdo iyadoo la adeegsanaayo magaca Maleeshiyaadka JINJAWEED iyo Xulafadooda kuwaaso fadhigoodu yahay caasimada dalka Kenya ee Natroobi. Wasaaradu waxa ey bogaadisy Mawqifyadda adag oo ey qaateen dalalka Carabta iyo kuwa Afrikaana oo eyku jiraan Masar, Sacuudiga, Qadar iyo Kuweyt, marka laga soo tago dalalka Xubnaha ka ah Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe ee aan joogtada ahayn ee ka socdo Qaaradda Afrika sida (SOOMAALIYA,ALJEERIYA, SIERR LEON) iyo Xubnaha Joogatada ah sida (Maraykanka, Ruushka, Shiinaha iyo Boqortooyada Ingiriiska) iyo dalka Turkiga,dhammaan wadamadaan ayaa cadeeyey iney diidan yihiin wax kasta oo Xadgudub ku ah Madax banaanida iyo Midnimada dalka Suudaan. Mawqifka ayaa si aad ah loogu dhaliilay Madaxtooyadda Kenya iydoo loo arkay iney la safaneyso Maleeshiyo masuul ka ah Xaqsuusa Shacabka Suudaan oo dooneysa iney hesho Sharciyad Caalami ah taaso ka dhigeyso go’odoon dibadda iyo gudaha ah isla markaasne ka dhigaysa wadan qalafsan oo ka soo horjeeda Xeerarka Caalamiga ah. Wasaaradda Arrimaha Suudaan ayaa ugu baaqday beesha caalamka iyo Ururada Gobolka ee uu ugu horeeyo kan Midawga Afrika iney Cambaareeyaan falkan Gurac ee khatarta ku ah isla markaasne Xadgudubka ku ah Qawaaniinta u degsan Nidaamka Caalamiga ah.

ISHA-PST.

Previous
Previous

CIIDAN KA GADOODAY KULIYADDA CARMO.

Next
Next

MA GEFE KA BILAWDAY DALKA YEMAN OO LA…