MA GEFE KA BILAWDAY DALKA YEMAN OO LA…
(SAWIRKA)-TAHRIIBAYAAL ITOOBIYAAN AH.
(ADEN-YE)-Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukumadda Sharciga ah ee caalamku aqoonsan yahay ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamada Ammaanka ee Gobolka Shabwa ee Koonfur Bari ee dalka Yaman ey soo furteen 25 Tahriibayaal Itoobiyaan ah oo lagu xiray goob xiran. Waxa ey sidoo kale Xabsiga u taxaabeen saddex nin oo u dhashay dalka Itoobiya oo lagu eedeeyay iney jir dil iyo lacago baad ah oo madax furasha ah si loo sii daayo. Xarunta Warbaahinta Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay in Laamaha Ammaanku ey si deg deg ah u dhaqaaqeen markii ey heleen warbixinta dhacdadan, waxaana u suurtagashay iney si nabad ah ku soo furtaan raggii afduubka u haystay, waxayna kala ahaayeen (M. Saftoon - 31 jir), (S. Mustafa - 31 jir) iyo (W. Karaj - 35 jir). Xaruntu waxa ey intaa ku dartay in Ciidamada Ammaanku ey gacanta ku hayaan eedaysanayaashan oo ey ku sugayaan baaritaanno dheeraad ah iyo in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado, si loogu musaafuriyo dalkooda. Arrintaan ayaa ah mid ugub ku ah tahriibayaasha soo gaara dalka Yeman kana yimaado Qaaradda Afrika,tahriibayaashaan la soo furtay ayaa wada ah Itoobiyaan,waxa eyna gacanta u galeen Ma Gefayaal ku jinsiyad ah kuna sugan dalka Yeman balse hadda waxa ey galeen gacanta Dawladda Yeman ee fadhigeedu yahay magaaladda Cadan ee dhacda Koonfurta Yeman.
ISHA-ALSHARAF.