SHAQO JOOJIN LAGU SAMEEYEY GUDIGA OLOMBIKADA SOOMAALIYEED.

(SAWIRKA)-WASIIRKA CAYAARAHA.

(MUQDISHO)-Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Federaalka ayaa shaqo joojin ku sameysay Guddoomiyaha iyo Xoghayaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed (SOC), Axmed Cabdi Xasan Wataac iyo Maxamed Cabdow Xaaji, kuwaas oo loo haysto eedo ku saabsan hab-dhaqankooda. War-saxaafadeed ay maanta soo saartay, Wasaaraddu waxay sheegtay in go’aankan la gaaray ka dib markii natiijo hordhac ah oo baaritaan ah ay muujisay in masuuliyiintani galeen ficillo ka hor imaanaya Xeerarka, Anshaxa iyo Hab-maamulka Hay’adaha ciyaaraha ee Qaranka, taasoo la sheegay in ay dhaawacday kalsoonidii u dhaxaysay Wasaaradda iyo Guddi-hoosaadyada Guddiga Olombikada. Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Maxamed Cabdulqaadir Cali, ayaa yiri: “Tallaabadan waxaa lagu doonayaa in lagu xoojiyo Daahfurnaanta, isla Xisaabtanka iyo Madax-bannaanida Ururrada ciyaaraha Soomaaliya.” Isku dayo lagu doonayay inuu jawaab bixiyo Guddoomiye Wataac ayaa fashilmay, hase yeeshee markii dambe wuxuu sheegay inuu eedaha kaga jawaabi doono waqti ku habboon, isagoo diiday inuu hadda ka hadlo arrintaas. Guddoomiyaha iyo Xoghayaha waxaa la doortay hal sano ka hor, intii lagu guda jiray doorashadii sagaalaad ee Guddiga Olombikada Soomaaliyeed, kuwaasoo muddo-xileedkoodu yahay afar sano. Guddiga GOS ayaa doorta hoggaankiisa, oo ay ku jiraan Guddoomiye, Xoghayaha guud iyo Ku-xigeenno dhowr ah.

XIGASHO-HOL.

Previous
Previous

RW-XAMSE OO DHAGAX DHIGAY WADADA BUULO-XUUBEEY EE DEG.WADAJIR.

Next
Next

23-MALEESHIYO OO ALSHABAAB AH OO LAGU DILAY G/SH/DHEXE.