23-MALEESHIYO OO ALSHABAAB AH OO LAGU DILAY G/SH/DHEXE.
(SAWIRKA)-MALEESHIYADDA ALSHABAAB.
(MAHADAAY/SH.DHEXE)-Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa shalay fuliyay howlgal qorshaysan oo ka dhacay tuulada Ceel-weyne, oo hoos timaada deegaanka Ceel-baraf ee degmada Mahaddaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalkan ayaa lagu bartilmaameedsaday goob ay ku sugnaayeen dagalamayaal ka tirsan AL-Shabaab, waxaana la xaqiijiyay in lagu dilay 23 xubnood, kuwaas oo isugu jiray Horjoogeyaal iyo Maleeshiyaad. Saraakiisha amniga ayaa sheegay in howlgalka la qaaday ka dib markii la helay xog sugan oo muujinaysay in kooxda AL-shabaab ay halkaas isu uruursanayeen, si ay uga dhistaan gabbaad cusub oo ay kasoo abaabulaan falal lagu carqaladeynayo amniga dalka. Sidoo kale, tuulada Ceel-weyne ayaa 30-kii October 2025 laga fuliyay howlgal kale oo la mid ah, kaas oo isna jab culus lagu gaarsiiyay AL-shabaab. Wararka hordhaca ah ayaa intaas ku daraya in aysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray shacabka intii uu howlgalka socday, taas oo muujineysa sida NISA iyo la-hawlgalayaashooda ay diiradda u saareen badbaadinta dadka rayidka ah. Mas’uuliyiinta amniga ayaa ballanqaaday in howlgallada noocan ah la sii wadi doono, ilaa dalka laga sifeeyo kooxda AL-shabaab ee caqabad ku ah nabadda iyo xasilloonida bulshada Soomaaliyeed.
XIGASHO-HOL.