GOLAHA SHACABKA BJFS OO MAANTA KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA MACAAMILKA DANABEYSAN.
(SAWIRKA)-GOLAHA SHACABKA.
(MUQDISHO)-Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay Kalfadhiga 7-aad Kulankiisa Tobanaad, waxaana shir Guddoomineysay Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar. Xildhibaanadda ayaa ugu horeyn Akhrinta koowaad marsiiyey Hindise Sharciyeedka macaamilka Danabeysan oo ey soo gubdisay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyada. Maadaama hindise sharciyeedka uu marayey Akhrintiisa koowaad kama furneyn wax dood ah, sidaas daraadeedna Xildhibaano ka tirsan Golaha ayaa su’aalo ku saabsan saameynta miisaaniyadeed ee Hindise Sharciyeedka iyo muhiimada uu dalka u leeyahay weydiiyey mas’uuliyiinta Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyada. Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa fartay Guddiga Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta ee Golaha Shacabka inuu la wareego Hindise Sharciyeedka uuna soo diyaariyo Akhrintiisa labaad si uu golaha uga doodo. Intaasi ka dib mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sii amba qaaday ka doodista Mooshin ama soo jeedin ku saabsan in 14-ka October loo aqoonsado maalinta Xusuusta Qaranka ee dhibanayaasha Argagixisada ee Soomaaliya, waxaana Xildhibaanadda Golaha Shacabka ey aragtiyadooda ka dhiibteen qodobada soo jeedinta ey Xildhibaanadda soo gudbiyeen. Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo kulanka soo xirtay ayaa fartay Xildhibaanadii Mooshinka soo diyaariyey in ey kusoo daraan dooda iyo aragtiyada Xildhibaanadda, islamarkaana ey golaha kusoo celiyaan si uu goluhu qaraar uga soo saaro.
XIGASHO-SNTV.