RW-XAMSE OO MAANTA GAARAY XARUNTA NIRA EE MAGAALADDA MUQDISHO.

(SAWIRKA)-XARUNTA NIRA.

(MUQDISHO)-Raysal Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo ka jawaabayay Cabasho ka timid Bulshada ayaa Kormeer deg deg ah ku tagay mid ka mid ah Xarumaha laga bixiyo Kaarka aqoonsiga Qaranka {NIRA} oo ku taala degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, isagoo faray Madaxda Hay’adda in dadka loo fududeeyo bixinta adeegga. “Muuqaalka aan ka aragnay baraha bulshada ma ahan wax la aqbali karo, gabdhaha yaan lagu qasbin in habeenkii ay yimaadaan ama seexdaan banaanka, amnigooda ayay qatar ku tahay mana qurxoona, jadwallada shaqada badiya si culeysku u yaraado, in adeeegga loo fududeeyo bulshada ayaa muhiim ah”.ayuu yiri Raysal Wasaare Xamsa. Raysal Wasaaraha ayaa faray maamulka Hay’adda in si loo fududeeyo adeegga la kala leexiyo kaar doonashada iyo qaadashada, oo qofka kaarka qaadanaya uusan u galin saf la mid ah midka marka uu doonanayo ee uu is diiwaan-galinayo. Maalmihii la soo dhaafay ayaa Baraha Bulshada gaar ahaan Barta Facebook-ga waxaa la soo dhigay dad u badan Dumar oo hor jiifaan Xarunta Hayadda NIRA kuwaaso sida muuqa isugu jiray kuwa raba iney is diiwaan geliyaan iyo kuwa raba iney qaataan kaarka NIRA kuwaaso horay isu diiwaan geliyey.

XIGASHO-SNTV.


Previous
Previous

GOLAHA SHACABKA BJFS OO MAANTA KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA MACAAMILKA DANABEYSAN.

Next
Next

WEERAR MINDI LOO ADEEGSADAY OO KA DHACAY GUDAHA TARIIN UK.