RW-XAMSE OO DHAGAX DHIGAY WADADA BUULO-XUUBEEY EE DEG.WADAJIR.

(SAWIRKA)-RW-XAMSE IYO GUD.MUUNGAAB.

(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo uu wehliyo Guddoomiyaha Maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ey dhagax-dhigeen laamiga dheer ee degmada Wadajir, gaar ahaan Xaafadda Buulo-xuubeey, oo gaaraya ku dhawaad 2-KM, Reysal Wasaaraha ayaa sheegay in dhismaha waddadani ey abuuri doonto fursado shaqo iyo ganacsi, isla markaana ey kor u qaadayso bilicda iyo horumarka ka jira caasimadda. Raysal Wasaaraha, ayaa tilmaamay in dhismaha waddooyinka caasimadda ey door weyn ka qaadanayaan, amniga, isku socodka dadka, gaadiidka iyo guud ahaan adeegyada kala duwan. “Jidka Buulo-xuubeey oo leh taariikh dheer, waxa uu ka mid yahay waddooyinka ugu mudan caasimadda, waxaanna ku yaalla xarumo fara-badan oo muhiim u ah isku-socodka gaadiidka, dadka iyo ganacsiga”. Ayuu yiri Raysal Wasaare Xamsa. Raysal Wasaaraha oo ku bogaadiyey maamulka Gobolka Banaadir dhismaha waddooyinka iyo horumarinta adegyada bulshada, ayaa faray in la dardargeliyo qorshayaasha kor loogu qaadayo bilicda, nadaafadda iyo faya-dhowrka caasimadda.

XIGASHO-SNTV.


Previous
Previous

TALIYAHA CIIDAMADA DHULKA OO SOO XIRAY SHIRKII TALIYEYAASHA QEYBAHA.

Next
Next

SHAQO JOOJIN LAGU SAMEEYEY GUDIGA OLOMBIKADA SOOMAALIYEED.