TALIYAHA CIIDAMADA DHULKA OO SOO XIRAY SHIRKII TALIYEYAASHA QEYBAHA.

(SAWIRKA)-TALIYE SAHAL.

(MUQDISHO)-Taliya Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, Sareeye Guuto Sahal Cabdullahi Cumar ayaa soo xiray shir Muqdisho ka socday oo ey iskugu yimaadeen dhamaan Taliyaasha Qeybaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka. Shirkan ayaa socday muddo toban maalmood ah waxaana loogu yeeray dhammaan taliyaasha qeybaha ciidanka. Shirka, oo uu soo qaban-qaabiyay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa ujeeddadiisu ahayd aqoon-isweydaarsi, dhiirrigelin iyo daadajinta qorshayaasha hortabinta leh ee sanadka soo socda, kuwaas oo lagu xoojinayo howlaha shaqo ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka. Intii uu socday shirka, taliyaasha qeybaha ayaa iska xog-waraystay xaaladaha amni, tababarada ciidamada, iyo qorshayaasha lagu horumarinayo hannaanka shaqo ee ciidanka, si kor loogu qaado awoodda iyo isku-duubnida Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka. Ugu dambeyn, shirka oo ahaa mid guul ku soo dhamaaday, Taliyaha Ciidanka Dhulka, Ganeraal Sahal Cabdullahi Cumar, waxa uu taliyaasha qeybaha kula dardaarmay in ey adkeeyaan oo laba jibaaraan shaqada loo idmaday, isagoona ku amaanay dadaalkooda iyo go’aan qaadashadooda.

XIGASHO-SNTV.

Previous
Previous

WIIL SOOMAALI AH OO TOOREEYEY DUMAR GARMAL AH OO…

Next
Next

RW-XAMSE OO DHAGAX DHIGAY WADADA BUULO-XUUBEEY EE DEG.WADAJIR.