SHAHID101 OO KU DUL DHACDAY CAASIMAD URDUN.

(SAWIRKA)-SHAAHID 101.

(JORDAN)-Wakaalada wararka dalka Urdun ee loo yaqaano PETRA ayaa maanta oo isniin ah sheegtay in diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ey ku burburtay caasimada Cammaan,taasi oo sababtay khasaare nafeed. Hay’adda rasmiga ah ayaan faah faahin ka bixin goobta laga soo riday diyaaradaasi. Agaasimaha Warbaahinta Militariga Urdun, Sareeye Guuto Mustafa AL-Xayari, ayaa sheegay Isniinta maanta ah in diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ey ku burburtay deegaanka Umm Udayna ee caasimadda Camaan, taasoo waxyeello u geysatay barxada bannaanka ee maqaayadda. AL-Xayaari waxa uu intaasi ku daray hadal uu siiyey Telefiishanka AL-Mamlaka, in isla markiiba goobtaasi go’doon tahay, isla markaana ey dhacdadaasi la tacaaleen Kooxaha Ammaanka iyo Kooxda Royal Engineering Corps. Waxa uu tilmaamay in baaritaan ka dib la ogaaday in Diyaarada ey nooceedu ahaa Shaheed 101, islamarkaana ey u dhacday cilad farsamo. Waxa ey siday Madax-qaraxyo iyo fiyuus la afuufay. Agaasimaha Warbaahinta Milateriga Jordan ayaa xaqiijiyay in Madaxii qaraxa lala eegtay laga furtay, iyadoo aysan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay. Waxa uu tilmaamay in 30 diyaaradood oo aan duuliyaha lahayn ey gabi ahaanba ku burbureen Boqortooyada Urdun tan iyo markii ey korortay xiisadda, iyadoo ey sii dheer tahay boqolaal kale oo qeyb ahaan la burburiyay. Kaamirooyinka ilaalada guri ku yaala deegaanka Umm Udayna ee galbeedka magaalada Cammaan ee caasimada dalka Urdun ayaa soo qabtay wax aan la aqoonsan oo ku ag dhacay labo dhalinyaro ah oo goobta ku sugnaa. Labada nin ayaa si mucjiso ah ku baxsaday iyagoo aan dhaawac gaarin. Sidan oo kale, Axmed AL-Nuceymaat, oo ah Agaasimaha ka jawaabista warbaahinta ee Xarunta Qaranka ee Amniga iyo Maareynta Xasaradaha, ayaa sheegay in khatarta kaliya ee soo food saartay Urduniyiinta ey tahay walxaha ka soo dhacaya hawada. Waxa uu ku nuuxnuuxsaday in walxahan ey kala firdhiyaan jeexjeexyo u jira 200 oo mitir, heerkulkoodu marka ey hoos u dhacaan uu gaari karo ku dhawaad ​​200 darajo Celsius. AL-Nuceymaat waxa uu carabka ku dhufatay baahida loo qabo in si dhab ah wax looga qabto dhacdadan, oo ey ku jirto gabaad laga galo dhismayaasha iyo ka fogaanshaha daaqadaha marka dhawaaqa seeriga. Wuxuu carabka ku adkeeyay in in ka badan 90% khataraha laga ilaalin karo gudaha. AL-Nuceymaat waxa uu sharraxay in Urdun ey soo ridday in ka badan 150 walxood oo duulaya tan iyo markii uu billowday dagaalka Iran iyo Israa’iil, kuwaasoo ey ku jiraan firir, gantaallo, kaabsooshayaal iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. Wuxuu carabka ku adkeeyay in arrintan loo sameeyay arrimo siyaasadeed iyo kuwo amni oo looga gol leeyahay in lagu badbaadiyo nolosha. Waxa uu sharaxay in walxaha qaarkood ey ku dhici karaan faragelin, cillad farsamo, ama khaladaadka xisaabinta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, isaga oo dadka ku booriyay in aan lagu darin xanta ama buunbuuninta ku saabsan cunto yaraan ama hooy.

ISHA-AA.

Previous
Previous

IRAAN OO SHEEGTAY INEY WEERARTAY SALDHIGA MARAYAKANKA EE QADAR.

Next
Next

MW-PUTIN OO CAMBAAREEYEY WEERARKA MARAYKANKA EE IRAAN.