MW-PUTIN OO CAMBAAREEYEY WEERARKA MARAYKANKA EE IRAAN.

(SAWIRKA)-MW-PUTIN IYO WASIIR CARAQJI.

(TEHRAN)-Wasiirka arrimaha dibadda Iran Cabbaas Caraqji ayaa ku ammaanay Ruushka sida ey u cambaareeyeen duqeymaha ey ciidamada Israa’iil iyo Mareykanka ku hayaan Iran, isagoo sheegay in Ruushku uu garab taagan yahay sharciga caalamiga ah. Kulan uu Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin kula yeeshay Kremlin Isniinta maanta ah, Caraqji wuxuu sheegay in "dhinacyada istaraatiijiga ah" ee xiriirka dhow iyo kan da'da ah ee u dhexeeya Tehran iyo Moscow uu qaabeeyey sannadihii la soo dhaafay. Isagoo iftiimiyay xaaladaha halista ah ee gobolka ka dib duulaanka milatari ee Isra’iil iyo Maraykanku ku qaadeen Iran, Caraqji waxa uu sheegay in Iran ey had iyo jeer la tashi dhow la yeelato saaxiibadeeda sida Ruushka. “Ruushka waxa uu saaxiib welina saaxiib la yahay Iran arrinta Nukliyeerka Iran, waxa ey sidoo kale Ruushka waxa uu goob joog ka yahay wada xaajoodka Nukliyeerka,” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibadda Iraan Cabaas Caraqji. Waxa uu sidoo kale u mahadceliyey Ruushka sida uu u cambaareeyey weerarada militari ee Iran, isaga oo raaciyay, "Ruushka wuxuu istaagay dhinaca midig ee sharciga caalamiga ah." "Xiisada ayaa hadda kor u sii kacaysa sababtoo ah gardarada aan macquul ahayn ee maamulada Isra’iil iyo Maraykanka ee (ka soo horjeeda Iran). Falalka gardarada ah ayaa ah kuwo xadgudub ku ah Axdiga Qaramada Midoobay iyo sharciga caalamiga ah, maadaama Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ey si sharci ah isaga difaaceyso gardarada," ayuu yiri Caraqji. Dhankiisa, Madaxweynaha Ruushka waxa uu cambaareeyay weerarada ka dhanka ah Iran oo uu ku tilmaamay fal gardaro ah oo aan macquul ahayn oo aan qiil loo hayn. Wuxuuna sheegay in Ruushka uu isku dayayo inuu caawiyo dadka Iran. MW-Putin ayaa xusay in booqashadii Wasiirka arrimaha dibadda Iran uu ku tagay magaalada Moscow ey fursad u siisay sidii looga wadahadli lahaa sidii looga bixi lahaa xiisadda ka taagan bariga dhexe. Iyadoo taliska Isra’iil uu dagaal gardaro ah ku qaaday dalka Iran 13-kii bishii June, isla markaana uu duqeymo ka waday goobaha ciidamada Iran iyo xarumaha Nukliyeerka, ayaa waxaa dhacday in Mareykanka uu gudaha u soo galay oo uu weeraro millatari ku qaaday saddex goobood oo Nukliyeer ah oo ku yaala Nadhanz, Fordow iyo Isfahan oo ka tirsan Iran horaantii Axadii. Saraakiisha Iran ayaa sheegay in Tehran ey xaq u leedahay iney isticmaasho ikhtiyaarkeeda si ey uga falceliso weerarada Mareykanka.

XIGASHO-WAKAALADDA TASNEM.

Previous
Previous

SHAHID101 OO KU DUL DHACDAY CAASIMAD URDUN.

Next
Next

MW-XASAN SHEEKH OO DAAH FURAY HIIGSIGA QARNI-JIRKA 2060.