MW-XASAN SHEEKH OO DAAH FURAY HIIGSIGA QARNI-JIRKA 2060.

(SAWIRKA)-MADAXDA.

(MUQDISHO)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo daahfuray Hiigsiga Qaran ee 2060 ayaa sheegay in la joogo xilligii Shacabka Soomaaliyeed ey si toos ah u dooran lahaayeen hoggaankooda, taasoo xoojinaysa Hiigsiga Nabadda, Midnimada iyo Horumarka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Hiigsiga 2060 uu yahay ballan-qaad qaran oo ku wajahan jiilasha soo socda, kuwaasoo fursad u heleya dhaxalka aynu maanta u abuurayno iyo in dalkeennu uu la tartamo dalalka horumaray. “Waxaan maanta dooranay inaan ka gudubno niyad-jabka, una jeesanno hal-abuur iyo wax-wadaqabsi. Aragtidani waa buundo u dhexeysa maanta iyo berri, dhaxalka aan maanta ka tagayno iyo dheefta barri”. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xusay in Soomaaliya ey cagta saartay waddo cusub oo lagu gaari karo horumar waara ayaa soo bandhigay tiirarka uu ka kooban yahay Hiigsiga Qaran 2060-ka.

"Aragtidan waxay ku saleysan tahay saddex tiir oo muhiim ah:

• Midnimo Qaran iyo ilaalinta qiyamka Soomaaliyeed.

• Xalka Soomaaliyeed oo lagu saleeyo xaqiiqooyinka gudaha.

• Mudnaanta danta guud ee shacabka Soomaaliyeed".

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamud ayaa ku boorriyay dhammaan bulshada Soomaaliyeed, gudaha iyo dibaddaba, iney qayb ka noqdaan hirgelinta qorshahan qaran, isagoo adkeeyay in guusha qorshahan ey ku xirnaan doonto dadaalka wadajirka ah ee shacabka Soomaaliyeed.

ISHA-SNTV.


Previous
Previous

MW-PUTIN OO CAMBAAREEYEY WEERARKA MARAYKANKA EE IRAAN.

Next
Next

ALSHABAAB OO LAGU HALAAGAY DEGAANKA BURJEED.