SARKAAL BOOLIS AH OO LAGU DILAY WAQOOYIGA GAALKACYO.
(SAWIRKA)-BOOLISKA PUNTLAND.
(GALKACYO/PUNTLAND)-Wararka laga helaayo Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug qeybta Puntland ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay askari Booliis ahaa ka dib dagaal dhex maray maleeshiyaad hubeysan oo aan la aqoon iyo ciidamada amaanka Booliiska. Iska hor imaadkaan ka dhacay Waqooyiga Gaalkacyo wali lama oga kooxahaani Booliiska dagaalka kala hor yimid, mana jirto wax faahfaahin ah oo ka soo baxay dhanka Masuuliyiinta Maamulka Puntand marka la eego sababta dagaalka. Allaha u naxariistee Khaliif Cabdi-nuur Saleemaa oo ah Askariga la dilay wuxuu ka tirsanaa Booliska cusub ee Maamulka Puntlland uu dhawaan geeyay Gaalkacyo si uu qeyb uga noqdo xoojinta Amniga. Khaliif Cabdi-nuur Saleemaan wuxuu ahaa Aqoonyahay cilmiga Xoolaha ku taqasusay balse sidaas ay tahay doortay inuu bulshadiisa u adeego, wuxuuna qeyb ka ahaa ciidamo Booliis ah oo dhawaan tababar soo dhameystay iyadoo markaa ka dib lagu soo daray ciidamo cusub oo Maamulka Puntland ugu tala galay inay qeyb ka noqdaan sugida amniga iyo u adeegida bulshada. Waqooyiga Gaalkacyo ee G/Mudug ee bartamaha soomaaliya ayaa ah meel aan deganeyn inta badane ey ka dhacaan iska horimaadyo hubeysan una dhexeeyo maleeshiyo beeleedyo iyo ciidamadda amaanka ee dawladda Puntland,mana dhacdo in dadkaasi geystay falka dilka ah la hirkeeno cadaaladda si loogu fuliyo xukunadda dembiyadii ey galeen.
ISHA-WAKAALADO.