HAWLGAL KA DHACAY MUDUG OO LAGU LAAYEY ALSHABAAB BADAN.

(SAWIRKA)-CIIDAMADDA XOOGA.

(MUQDISHO)-DEG DEG:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa fuliyay hawlgal qorsheysan oo dhanka cirka ah, kaas oo lagu bartilmaameedsaday maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab, xilli ay isku uruursanayeen nawaaxiga Tawarmooge, oo qiyaastii 8 km koonfur kaga beegan Caad, isla markaana 45 km woqooyi kaga beegan Xarardheere, ee gobolka Mudug. Duqayntan ayaa lala beegsaday fariisin ay kooxdu ku diyaarinaysay dhagar iyo weerarro ay ku doonaysay inay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed, si ay u carqaladeeyaan amniga iyo xasilloonida guud ee dalka. Hawlgalkan waxaa lagu dilay qiyaastii 70 dhagarqabe, oo ay ku jiraan horjoogayaal, halka lagu dhaawacay inta u dhexaysa 90 ilaa 95 dhagarqabe. Sidoo kale, hawlgalkan waxaa lagu burburiyay 8 gaadiid dagaal, oo ay ku jiraan kuwa saadka oo siday saanad ciidan. Wasaaradda Gaashaandhigga waxay mar kale adkaynaysaa in hawlgallada lagu ciribtirayo argagixisada ay si joogto ah u socdaan, isla markaana Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka go’an tahay burburinta awoodda kooxda iyo ka hortagga khatar kasta oo ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

HALKAN KA AKHRISO.

ISHA-SNA-RADIO.

Previous
Previous

SARKAAL BOOLIS AH OO LAGU DILAY WAQOOYIGA GAALKACYO.

Next
Next

AFAR QOFOOD OO KU DHIMATAY BIYAHA INGIRIISKA IYO FARANSIISKA.