SARKAAL BOOLIS AH OO LAGU DILAY ISTANBUL.

(SAWIRKA)-BOOLISKA TURKIGA.

(ISTANBUL/TURKEY)-Sarkaal ka tirsan ciidamadda booliiska dalka Turkiga ayaa dhintay Isniinta maanta ah ka dib markii la toogtay oo si xun loo dhaawacay weerar aroornimadii hore ee saaka ka dhacay magaaladda Istanbul, sida ay sheegeen saraakiisha Turkiga. Sarkaalka la toogtay ayaa magaciisa lagu sheegay Emre Albayrak waxa uuna ugu dhintay dhaawacii ka soo gaaray isbitaalka. Waxa uu ka mid ahaa koox hawl gallo gaar ah ka waday degmada Cekmekoy ee dhanka Asia ee Istanbul. “Sarkaalkeena booliiska Emre Albayrak, oo si xun ugu dhaawacmay howlgal maandooriye ah oo ka dhacay degmada Cekmekoy, waa la badbaadin waayay inkastoo dhammaan faragelinta isbitaalka loo qaaday oo uu noqday shahiid," Xafiiska Guddoomiyaha Istanbul ayaa ku yiri bayaan. Xafiiska ayaa sheegay in ninka rasaasta ku furay booliiska la dilay, labo tuhmane oo kalena xabsiga la dhigay. Turkiga waxa uu la kulmay kor u kaca dambiyada la xiriira daroogada sanadihii u dambeeyay. Waxaa jiray koror 23 boqolkiiba ah dhacdooyinka la xiriira daroogada sanadkii hore marka loo eego 2023, sida lagu sheegay warbixinta Waaxda Qaranka ee La-dagaallanka Maandooriyaha. Wasiirka arrimaha gudaha Cali Yerlikaya ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada ku sheegay Isniintii in 970 tuhmane lagu xidhay hawlgallada ka hortagga mukhaadaraadka ee dalka oo dhan todobaadkii hore.

XIGASHO-AN.

Previous
Previous

GUDOOMIYE ABSHIRAW OO MAANTA SHIR GUDOOMIYEY KUL..

Next
Next

BOOLISKA JIGJIGA OO SOO QABTAY EEDEYSANE AYUUB.