BOOLISKA JIGJIGA OO SOO QABTAY EEDEYSANE AYUUB.
(SAWIRKA)-EEDEYSANE AYUUB.
(JIGJIGA/DDS)-War ka soo baxay Booliska Dowladda Deegaanka Soomaalida (DDS) ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka magaalada Jigjiga ay gacanta ku dhigeen nin lagu eedeeyay inuu muuqaallo anshax-xumo ah ka duubay gabdho Soomaaliyeed oo ku kala nool magaalooyin dhowr ah, kuna dhibaateyn jiray hanjabaado iyo baadqaris. Ninkan la qabtay oo lagu magacaabo Ayuub, kana soo jeeda magaalada Muqdisho, ayaa sida ay sheegeen Booliska, muddo ka hor uga baxay dalka, isaga oo tegay dalalka Talyaaniga iyo Austria, ka hor inta uusan dib ugu soo laaban Jigjiga. Booliska ayaa sheegay in eedeysanaha la qabtay ka dib markii haween Soomaaliyeed oo cabasho wata ay u tageen saldhigga, kuna wargeliyeen in looga duubay muuqaallo xasaasi ah, laguna dhibaataynayo hanjabaado joogto ah. Hawlgal ay sameeyeen Booliska magaaladda Jigjiga ayaa lagu guuleystay in Ayuub gacanta lagu soo dhigo. Baaritaan ay sameeyeen ciidamada booliska ayaa lagu sheegay in taleefanka eedeysanaha laga helay muuqaallo badan oo uu ka duubay gabdho Soomaaliyeed oo ku kala sugan, Muqdisho, Hargeysa, Garoowe, Wajaale, Addis Ababa iyo Jigjiga. Muuqaalladaas ayaa loo adeegsaday inuu gabdhaha qaar ku cabsi geliyo, halka qaar kalena uu uga faa’iidaystay duruuftooda bulshada iyo dhaqaalaha. Booliska DDS ayaa sheegay in baaritaannada kiiska Ayuub ay socdaan, isla markaana la marsiin doono sharciga.
XIGASHO-RISAALA.