GUDOOMIYE ABSHIRAW OO MAANTA SHIR GUDOOMIYEY KUL..

(SAWIRKA)-GUD.ABSHIRAW.

(MUQDISHO)-Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad kulankiisa 19-aad, kooramka maanta ayaa dhammaay 145-Xildhibaan, waxaana shir guddoominayey Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow. Ugu horreyn Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka oo kulanka furay ayaa kulanka ka Akhriyey baaq nabadeed oo uu guddoonka Golaha Shacabka u diray shacabka Gobolka Awdal gaar ahaan dhacdadii ka dhacday Magaaladda Boorama. Intaasi ka dib Guddoomiye ku-xgeenka guddiga Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, iskaasviga caalamiga ah iyo la xisaabtanka hay’adaha dowladda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Haaruun ayaa kulanka golaha ka akhriyey soo jeedin ku saabsan ku waafaqid Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee ku saabsan wax ka bedelka Hindise Sharciyeedka Xisaabiyeyaasha Soomaaliyeed, waxaana Xildhibaanadda Golaha Shacabka oo cod u qaaday ogolaatay 140-Xildhibaan, hal Xildhibaan ayaa diiday, sidoo kale afar Xildhibaan ayaa ka aamustay. Dhinaca kale mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Akhrinta koowaad marsiiyey Hindise Sharcigeedka Dembiyada Seybarka Soomaaliya oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Maadaama Hindise sharciyeedkan uu maray Akhrinta koowaad kama furneyn wax dood ah, sidaas daraadeed qaar ka mid ah Xildhibaanadda Golaha Shacabka ayaa mas’uuliyiinta Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyada weydiiyey su’aalo ku qotoma mabaadii’da guud iyo saameynta miisaaniyadeed ee Hindise Sharciyeedkan. Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo kulanka soo xiray ayaa faray Guddiga Warfaafinta, Wacyi gelinta, Dhaqanka, Boostada iyo Isgaarsiinta ee Golaha Shacabka inuu soo diyaariyo Akhrinta labaad ee hindise sharciyeedka islamarkaana dib golaha ugu soo celiyo si looga doodo.

XIGASHO-SNTV.


Previous
Previous

GOBOLKA FLORIDA EE MARAYKANKA OO URURKA IKHWAANKA U AQOONSADAY….

Next
Next

SARKAAL BOOLIS AH OO LAGU DILAY ISTANBUL.