GOBOLKA FLORIDA EE MARAYKANKA OO URURKA IKHWAANKA U AQOONSADAY….

(SAWIRKA)-TRUMP.

(FLORIDA/USA)-Gobolka Florida ee dalka Maraykanka ayaa Ururka Ikhwaanul Muslimiinka iyo Golaha xiriirka Maraykanka iyo Islaamka u aqoonsaday Ururo Argagixiso. Maamulka Florida ayaa faray dhammaan hay'adahooda inay qaadaan dhammaan tillaabooyinka sharciga ah si ay uga hortagaan wax kasta oo sharci darro ah oo ay sameynayaan labada urur, oo ay ku jirto in la diido cid kasta oo siisa mudnaanaha taageerada agabka ama ilaha dowladda, sida ay sheegeen mas'uuliyiinta G/Florida. Waxaa xusid mudan in Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu saxiixay amar fulin maalmo ka hor si uu u bilaabo hannaanka uu qaar ka mid ah laamaha Ikhwaanul Muslimiinka ugu aqoonsanayo “Ururo Argagixiso shisheeye ah”. Amarka fulintu waxa uu dhigayaa, “Amarkani waxa uu bilaabaya hannaan ay laamaha ama qaybo-hoosaadyada Ikhwaanul Muslimiinka loogu magacaabi doono Ururo Argagixiso oo shisheeye,” isaga oo si gaar ah u xusay laamaha Ikhwaanul Muslimiinka Lubnaan,Masar iyo Urdun.

XIGASHO-AA.

Previous
Previous

REYSAL WASAARE XAMSE OO QAABILAY WAFDIGA IRC.

Next
Next

GUDOOMIYE ABSHIRAW OO MAANTA SHIR GUDOOMIYEY KUL..