SAFIIRKA INGIRIISKA OO VILLADA KULA KULMAY MW-XASAN SHEEKH.
(MUUQAALKA)-MW-XASAN IYO DANJ.KING.
(MUQDISHO/SOMALIA)-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya, Charles King iyaga oo kawada hadlay Amniga iyo Xaaladda Siyaasadeed ee Dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu kulanka socday waxa uu warbixin ku saabsan ajandaha ay kawada hadleen Danjire Charles King siiyay isaga oo dhankiisa ka dhagaystay doorka Dowladdiisa ay ka qaadanayso arrimahaas. Ingiriiska waxa uu ka mid yahay Dalalka taageera Soomaaliya, Xukuumadda London ayaa dhiggeeda Muqdisho ka gacansiisa sugidda Amniga iyo caawinta Hay’adaha kale ee Dowliga ah sida ay horay u sheegeen labada dhinac. Sidoo kale, Ingiriiska waxa uu ku jiraa Waddamada dhaqaalaha badan ku bixiya taageerrada Ciidanka Afrikaanka ah ee howlgalka kawada Soomaaliya ee AUSSOM kuwaas oo haatan wajahaya xaalad dhaqaale yari. Dalka Boqortooyada Ingiriiska ayaa si weyn waxa ey taageertaa ciidamadda ka hawlgala DG Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxa eyna siisaa tababaro adag sidii ey ula dagaalmi lahaayeen Argagixisada AL-shabaab ee ku xidideysatay degaanadda K/Galbeed Soomaaliya.
ISHA- MUQSTAQBAL.