DRONE IMAARAAT LEEYAHAY OO DAD KU XASUUQDAY PUNTLAND.

(MUUQAALKA)-DRONES.

(GARAWE/PUNTLAND)-Saraakiil ka tirsan amniga Puntland ayaa Imaaraadka Carabta ku eedeeyay inuu fuliyay duqeyn diyaaradeed oo lagu dilay afar qof oo isku qoys ahaa, shanna lagu dhaawacay, xilli uu dagaal ka dhan ah kooxda Daacish ka socday buuraha Al-Miskaad ee gobolka Bari bishii Janaayo 2025. Warbixin ay baahisay warbaahinta Drop Site ayaa sheegtay in duqeynta 26-kii Janaayo 2025 ay ka dhacday deegaanka Togga-Xarago, halkaas oo qoyska Reer Yuusuf Maxamuud Saalax ay ku sugnaayeen aqal dhaqameedkooda. Dadka ku dhintay weerarka ayaa kala ahaa Ladan Cabdi Ismaaciil, Cabdisamad Yuusuf Maxamuud oo 13 jir ahaa, Maxamed Cabdiqani Maxamed oo toddoba jir ahaa iyo Xaawo Axmed Saalax oo 17 jir ahayd, isla markaana uur afar bilood ah lahayd. Ilmo siddeed bilood jir ah oo ay Xaawo dhabta ku haysay ayaa ka badbaaday duqeynta, sida ay sheegtay Khadra Cabdi Ismaaciil oo qoyskeeda afar qof looga dilay weerarka. Afar sarkaal oo amniga Puntland ah ayaa warbaahinta Drop Site u xaqiijiyay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Imaaraadku ay fuliyeen weerarka, iyagoo codsaday inaan magacyadooda la shaacin. Qoyska ayaa la sheegay in toddobaadyo ka hor duqeynta laga raray deegaanka Dhadaar ee buuraha Al-Miskaad, kaddib markii ciidamada dowladda ay ku wargeliyeen in aaggaasi yahay meel ay joogaan dagaalmayaal Daacish ah, ayna u guuraan goob loo asteeyay inay ammaan tahay. Duqeynta ayaa sidoo kale sababtay dhaawacyo culus iyo burbur dhaqaale, iyadoo qoysku ku waayay lix geel ah iyo 400 oo ari ah oo ay noloshoodu ku tiirsanayd. Saraakiisha amniga Puntland ayaa sheegay in diyaaradaha la adeegsaday ay ka duuleen saldhig milatari oo Imaaraadku ku leeyahay garoonka diyaaradaha Boosaaso. Waxay intaas ku dareen in Imaaraadku uu duqeymo ka fuliyay buuraha Al-Miskaad horraantii 2025, isla markaana hawlgalladaasi ay dib u xoogaysteen dabayaaqadii sannadkaas. Sida ay saraakiishu u sheegeen Drop Site, Imaaraadku ma uusan fulin duqeymo noocaas ah gudaha Puntland tan iyo Nofeembar 2025, iyadoo Maraykanku uu hoggaanka u qabtay hawlgallada ka dhanka ah Daacish. Saraakiil Puntland ah ayaa sidoo kale ku eedeeyay Imaaraadka inuusan mar walba si ku filan u xaqiijin cidda uu beegsanayo ka hor duqeymaha. Eedeymahaasi si madax-bannaan looma xaqiijin. Dhanka kale, Imaaraadku wuxuu weli taageero amni siiyaa Puntland, gaar ahaan Ciidanka Booliska Badda Puntland (PMPF), oo qaabilsan hawlgallada amniga badda iyo la-dagaallanka burcad-badeedda. Taageerada Imaaraadka ayaa isugu jirta tababar, mushahar iyo xog-wadaag amni. Drop Site ayaa sheegtay inay jawaab ka weydiisay safaaradda Imaaraadka ee Muqdisho iyo wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaas, balse aysan jawaab ka helin. Ma jiraan tirokoobyo rasmi ah oo dhammaystiran oo muujinaya khasaaraha rayidka ee ka dhashay dagaalka ka socda buuraha Al-Miskaad, halkaas oo ay adag tahay in saxafiyiinta iyo hay'adaha xuquuqda aadanuhu ay si madax-bannaan ku gaaraan goobaha ay duqeymaha iyo dagaalladu ka dhacaan.

ISHS-HOL.

Previous
Previous

SAFIIRKA INGIRIISKA OO VILLADA KULA KULMAY MW-XASAN SHEEKH.

Next
Next

TOOGASHO EY KU DHINTEEN SIDEED RUUX OO KA DHACDAY DALKA MARAYKANKA.