NIN HUBEYSAN OO LABA QOF KU DILAY MAGAALADDA GARAWE.

(MUUQAALKA)-ISBITALKA GARAWE.

(GARAWE/PUNTLAND)-Hal qof ayaa ku dhintay, afar kalana waa ku dhaawacantay, ka dib markii maanta Axad ah uu qof hubaysan u rasaas ku furay dad ku sugnaa goob meherad ah oo ku taalla magaalada Garoowe ee xarunta Puntland. Dhacdadan ayaa ka dhacday goob birta lagu tumo oo ku taalla suuqa Inji ee magaalada Garoowe, waxaana la sheegay in uu goobta ka baxsaday ninkii falka gaystay. Marxuumka dhintay ayaa lagu magacaabi jiray Yuusuf Baafe, kaas oo la sheegay in uu ahaa nin waayeel ah. Dadka dhaawacmay waxaa la geeyay isbitaalka guud ee magaalada Garoowe, halkaas oo lagu tacaalayo xaaladooda caafimaad. Laamaha amniga magaalada Garoowe ayaa weli ka hadlin dhacdadan sababtay dhimasho iyo dhaawaca ee ka dhacday suuqa weyn ee Inji. War goor dambe laga helay Isbitaalka Garawe ayaa sheegaayo in dhimashadu tahay laba ka dib markii qof dhawac lagu keenay Isbitaalka uu u geeriyooday dhaawacii soo gaaray halka ey kordheen dhaawacyadda waxa eyna gaareen ilaa shan ruux. LA SOCO WIXII KA SOO MKORDHO.

ISHA-WAKAALADOO.

Next
Next

SAFIIRKA INGIRIISKA OO VILLADA KULA KULMAY MW-XASAN SHEEKH.