HAYADDA NISA OO EEDEYN ADAG U SOO JEEDISAY ILAALADDA SHEEKH SHARIIF SHEEKH AXMED.

(MUUQAALKA)-ASTAANTA NISA.

(MUQDISHO/SOMALIA)-Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed (NISA) ayaa si kulul u cambaareysay weerarro hubeysan iyo falal gardarro ah oo ay sheegtay in lagu bartilmaameedsaday ciidamadeeda Ilaalinta Dadweynaha ee ka howlgala qaybta General Da’ud ee degmada Wadajir, gobolka Banaadir. War-saxaafadeed ay hay’addu soo saartay ayay ku eedeysay rag hubeysan oo ay sheegtay inay ka amar qaataan madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, inay isku dayeen inay iska horimaad hubeysan la galaan ciidamada ammaanka. NISA waxay sheegtay in ciidamadeedu muujiyeen dulqaad, xirfad shaqo iyo masuuliyad, iyagoo ka fogaaday tallaabo kasta oo sii hurin karta xiisadda ama khatar gelin karta nolosha dadka rayidka ah. Hay’addu waxay intaas ku dartay in xogta ay ururisay ay muujinayso in ilaalada madaxweynihii hore, oo ku hubeysnaa qoryaha AK-47, qoryaha darandoorriga u dhaca ee BKM iyo bambaanooyinka garbaha laga gano ee RPG, ay xoog ku galeen guryo ku yaalla xaafadda Tiintiinley ee degmada Wadajir. Sidoo kale, NISA waxay sheegtay in 24-kii Juun 2026 ay maleeshiyaadkaasi weerareen ciidamadeeda, ayna afduubteen hal askari oo gudanayay waajibaadkiisa shaqo. Waxay intaas ku dartay in 27-kii Juun ay mar kale hor istaageen howlgallo amni oo ay wadeen shaqaalaha hay’addu qaybta General Da’ud. Hay’adda NISA ayaa caddeysay inay tahay hay’ad sharci-fulin iyo amni qaran oo ku shaqeysa sharciga, kana madax-bannaan loollanka siyaasadeed. “NISA ma oggolaan doonto in shaqaalaheeda lagu dhex jiido khilaafaadka siyaasadeed, mana ka tanaasuli doonto masuuliyaddeeda ilaalinta amniga qaranka iyo badbaadinta shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri bayaanka. Ugu dambayn, hay’addu waxay sheegtay inay ka go’an tahay gudashada waajibaadkeeda sharci, ilaalinta nabadda iyo xasilloonida caasimadda, iyo ka hortagga fal kasta oo khatar gelinaya badbaadada iyo amniga bulshada.

ISHA-HOL.


Previous
Previous

BARAKAC XOOGAN OO CAAWA KA JIRA AAGA UU WADAJIR KA DEGAN YAHAY SHEEKH SHARIIF.

Next
Next

NIN HUBEYSAN OO LABA QOF KU DILAY MAGAALADDA GARAWE.