SAFAARADDA BOQORTOOYADA INGIRIISKA OO KA HADASHAY SHIRKII FASHILMAY.
(SAWIRKA)-SAFARADA UK EE MUQDISHO.
(MUQDISHO)-Safaaradda Boqortooyada UK ee Muqdisho ayaa soo dhoweysay kulankii Muqdisho ku dhex maray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mucaaradka iyadoo sheegtay in kulanku yahay tallaabo wanaagsan inkastoo aan weli la gaarin is-afgarad rasmi ah. Qoraal ay safaaraddu ku baahisay baraha bulshada ayay ku sheegtay in Boqortooyada Midowday, iyada oo la kaashaneysa saaxiibadeeda caalamka, ay sii wadi doonto taageerada dadaallada lagu xallinayo arrimaha taagan. Waxay sidoo kale caddeysay inay xiriir la leedahay dhammaan dhinacyada, kuna boorrisay inay muujiyaan tanaasul iyo dabacsanaan si wada-hadalladu u sii socdaan. “Waxaan soo dhoweynaynaa kulanka u dhexeeya DFS iyo Mucaaradka ee ka dhacay Muqdisho, inkastoo ay niyad-jab tahay in wali la gaarin is-afgarad, Boqortooyada Midowday (UK), iyadoo la kaashaneysa saxiibadeedi, waxay sii wadaa taageerada dadaallada lagu xallinayo arrimaha weli taagan, Waxaan la xiriirnaa dhammaan dhinacyada, waxaana ku boorrineynaa inay muujiyaan tanaasul isla markaana ay sii wadaan wada-hadalka”ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Safaaradda Boqortooyada UK. Khilaafka ugu weyn ayaa ku saabsan hannaanka iyo waqtiga doorashooyinka, Mucaaradka waxay ku adkeysanayaan in loo laabto doorasho dadban, isla markaana la dedejiyo doorashooyinka Dowlad-goboleedyada Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug muddo laba bilood gudaheedi, si loo helo jawi ku habboon doorashada heer federaal. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa dhankiisa ku adkeysanaya in doorashada lagu qabto nidaamka qof iyo cod ah, isaga oo u arka tallaabo muhiim u ah hirgelinta dimuqraadiyad dhab ah oo ku dhisan rabitaanka shacabka.
ISHA-HOL.