PUNTLAND OO KA HORTIMID DOORASHADA KA DHECEYSA DG WBS.

(SAWIRKA)-WASIIR JUXA.

(GARAWE/SOMALIA)-Puntland ayaa si adag uga hortimid Jadwal Doorasho oo ka soo baxay Guddiga Doorashooyinka Federaalka, kuwaas oo sheegay in ay doorasho gole deegaan oo Qof iyo Cod ah ka qabanayaan Gobolka Sool iyo degmooyinka Buuhoodle iyo Galdogob.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa lagu yiri “Puntland waxay cambaaraynaysaa jadwalka doorashooyinka ee uu soo saaray Guddiga lagu muransan yahay ee doorashooyinka. Guddigaas oo jadwalka uu shaaciyay ku daray degmda Galdogob ee gobolka Mudug oo ay hore uga dhacday doorashadii goleyaasha deegaanka Puntland May 25, 2023, iyo degmooyin kale oo tirsan gobolada Sool iyo Cayn oo dastuur ahaan ka mid ah Puntland”. Puntland waxay Guddiga Doorashooyinka Federaalka ku tilmaantay aalad uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u adeegsanayo xasrad abuur, kala qaybin bulsho, ku tumasho sharci iyo wiiqitaanka hannaanka Federaalka. Guddiga Doorashooyinka Federaalka waxay markii Puntland soo saartay warkan ay liiska ka saareen degmada Galdogob ee gobolka Mudug oo ay markii hore ku dareen degmooyinka Galmudug, iyaga oo raaligelin bixiyay. Guddiga Doorashooyinka Federaalka ayaa shaaciyay in ay guda gelayaan doorashooyin gole deegaan oo qof iyo cod ah, kuwaas oo ka qabsoomaya maamullada Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Waqooyi Bari.

ISHA-PP.

Previous
Previous

TURKIGA OO OGOLAADAY INUU DIB ULA NOQDO MAXAABIISTA DAACISH.

Next
Next

SAFAARADDA BOQORTOOYADA INGIRIISKA OO KA HADASHAY SHIRKII FASHILMAY.