SIRDOONKA MILETERIGA SOOMAALIYA OO MUQDISHO KU XIRAY WARIYE.
(SAWIRKA)-WARIYAHA LA XIRAY.
(MUQDISHO)-Wariye Cabdixafiid Nuur Barre, oo ka tirsan Telefishinka Somali Cable TV, ayaa xalay laga xiray Degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijisay xarunta uu ka howlgalo. Xog ay heshay Somali Cable TV oo ay barteedi Bulshada ku faafisay ayaa tilmaamaysa in wariyaha uu u xiran yahay ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin goobta lagu hayo iyo eedeymaha loo haysto. Ilaa iyo hadda, hay’adaha amniga wax war ah kama soo saarin xarigga wariyaha. Dhacdadan ayaa walaac xooggan ku abuurtay bahda saxaafadda, qoyskiisa iyo bulshada rayidka ah, kuwaas oo ka cabsi qaba xaaladdiisa iyo in xorriyaddiisa lagu xadgudbay si sharci darro ah. Xubno ka tirsan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag u cambaareeyay xarigga wariyaha. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa sheegay in xarigga wariyaha uusan waafaqsanayn xeerarka dowladnimada iyo garsoorka dalka, wuxuuna ku baaqay in si degdeg ah xorriyaddiisa dib loogu soo celiyo. Sidoo kale, musharraxiinta madaxweynaha ee kala ah Cabdi Faarax Shirdoon, Xasan Cali Kheyre, iyo Maxamed Xuseen Rooble ayaa si wadajir ah u cambaareeyay tallaabada lagu xiray wariyaha, iyagoo ku tilmaamay caburin ka dhan ah warbaahinta madaxabannaan iyo ku tumasho dastuurka dalka. Musharraxiintan ayaa dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqay in si shuruud la’aan ah loo sii daayo wariye Cabdixafiid, lana xaqiijiyo badqabka iyo xuquuqdiisa aasaasiga ah. Ilaa iyo hadda, lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa xarigga, waxaana indhaha lagu hayaa jawaabta ay bixiyaan hay’adaha amniga iyo tallaabada ay qaadi doonto dowladda Federaalka Soomaaliya.
ISHA-HOL.