SACDIYA BAJAJ OO MAANTA KA SOO MUUQATAY MAXKAMADA RACFAAN G/BANADIR.

(MUUQAALKA)-SACDIYA BAJAJ.

(MUQDISHO/SOMALIA)-Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa guda gashay dhageysiga racfaanka ay qaadatay Eedeysane Sacdiya Macalin Cali, oo loo yaqaan Sacdiya Bajaaj, kaddib markii aysan ku qanacsanaan xukunkii hore ee kasoo baxay Maxkamadda Gobolka Banaadir. Intii ay socotay dhageysiga, qareennada difaaca Sacdiya Bajaaj ayaa Maxkamadda Racfaanka u soo bandhigay sababaha sharci ee ay racfaanka uga qaateen xukunkii Maxkamadda Gobolka Banaadir. Abukaate Sakariye Ismaaciil Nuur, oo ka mid ah qareennada difaaca Eedeysane Sacdiya Macalin Cali, ayaa si faahfaahsan Maxkamadda ugu sharaxay doodda dhinaca sharciga iyo sababaha ay difaacu u arkaan in xukunkii hore dib loogu eego. Qareennada difaaca ayaa Maxkamadda ka codsaday in la tixgeliyo doodahooda iyo qodobada ay ku saleynayaan racfaanka, iyadoo Maxkamadda Racfaanku ay qiimeyn doonto sababaha loo soo gudbiyay iyo xukunkii hore ee Maxkamadda Gobolka Banaadir. Racfaankan ayaa salka ku haya xukunkii hore ee Maxkamadda Gobolka Banaadir ka soo saartay kiiska Sacdiya Macalin Cali (Sacdiya Bajaaj), kaas oo eedeysanaha iyo qareennadeedu aysan ku qanacsanayn. Horay Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa Sacdiyo Macallin Cali (Sacdiyo Bajaaj) ku xukuntay saddex sano oo xabsi ah. Xukunkan ayaa yimid bishii Juun 2026, ka dib markii lagu eedeeyay arrimo la xiriira eedeymo dhanka baraha bulshada ah.

XIGASHO-GJ.

Next
Next

GUDI LOO MAGACAABAY DOORASHADA GUDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA