GUDI LOO MAGACAABAY DOORASHADA GUDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA
(MUUQAALKA )-XIL WAREEJIN.
(MUQDISHO/SOMALIA)-Guddoomiyaha Kumeel gaar ka ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, ayaa magacaawday guddiga qabanqaabinaya doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka. Warqad kasoo baxday Xafiiska Guddoomiye Sacdiya ayaa lagu sheegay in magacaabista guddigan ay ku timid iyadoo la tixraacayo qodobbada dastuurka iyo xeer-hoosaadka Golaha Shacabka ee qeexaya habraacyada doorashada hoggaanka golaha. Guddigan oo ka kooban sagaal xubnood ayaa waxaa loo xilsaaray diyaarinta iyo maamulidda guddiga doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka, si waafaqsan xeerarka iyo nidaamka shaqo ee golaha. Warqadda ayaa lagu sheegay in guddigan looga baahan yahay inuu si degdeg ah u guda galo waajibaadkiisa, isla markaana uu ku shaqeeyo xeer-hoosaadka Golaha Shacabka. Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa xilli uu socdo isbeddel siyaasadeed iyo diyaar garow ku saabsan doorashada hoggaanka Golaha Shacabka, iyadoo indhaha lagu hayo cidda noqon doonta Guddoomiyaha cusub ee golaha, dadka illaa hadda la hadal haayo waxaa kamid ah Wasiir Cabduqaadir Maxamed Nuur oo ah Wasiirka Dekadaha Soomaaliya iyo Wasiiro Dowlihii hore ee wasaaradda arrimaha Gudaha Sadaad Caliyow oo shalay ku dhawaaqay inuu musharax yahay. Ragaan isku soo taagay musharaxnimada Guddoomiyaha Golaha shacabka waxa ay qeyb ka ahaayeen siyaasiyiin dadaal dheer ku bixisay sidii ay Dowladda Soomaaliya ugala shaqeyn lahaayeen in meesha laga saaro nidaamkii uu hogaaminayay Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen.
XIGASHO-HOL.