QARAX DAD KU DHINTEEN OO CAAWA KA DHACAY MOOSKO.

(MUUQAALKA)-GOOBTA EY WAX KA DHECEEN.

(MOCOW/RUSSIA)-Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay 15 kalena way ku dhaawacmeen Sabtida maanta ah qarax ka dhacay meel u dhow makhaayad xagaaga ah oo ku taal caasimadda Ruushka ee Moosko, sida ay sheegeen booliiska Ruushka. Sababta dhacdadan weli ma cadda. Booliska Moosko, sida ay baahisay Wakaaladda wararka Ruushka ee RIA Novosti, qaraxu wuxuu dhacay abbaare 8:10 fiidnimo waqtiga maxalliga ah, meel u dhow makhaayad xagaaga ah oo ku taal bartamaha caasimadda, waxaana ku dhintay saddex qof halka 15 kalena ay ku dhaawacmeen iyadoo ay jiraan heerar kala duwan oo darnaan ah. Wakaaladda wararka Ruushka ee TASS ayaa soo xigatay saraakiil xaqiijinaya tirada dhimashada ee bilowga ah, iyadoo xustay in kooxaha ambalaaska iyo difaaca rayidka ay u carareen goobta uu qaraxu ka dhacay, halkaas oo dadkii dhaawacmay loo qaaday isbitaallada si loogu daweeyo. Mas'uuliyiinta Ruushka weli ma aysan go'aamin sababta ama nooca qaraxa, mana aysan soo saarin wax macluumaad ah oo ku saabsan suurtagalnimada tuhun dambiyeed ama tallaabo ula kac ah, halka hay'adaha amniga ay bilaabeen baaritaan si loo ogaado duruufaha dhacdada. Booliska ayaa xiray goobtii uu qaraxu ka dhacay, halka kooxaha dambi baarista ay ka shaqeynayaan sidii ay u ururin lahaayeen muunado iyo baaritaan ku sameyn lahaayeen goobta si loo ogaado meesha uu qaraxa ka dhacay iyo sababaha ka dambeeyay. Dhacdadan ayaa timid xilli Ruushku uu adkeynayo tallaabooyinka amniga ee magaalooyin dhowr ah, iyadoo laga duulayo dagaalka socda ee Ukraine, iyo weerarrada soo noqnoqda ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo hawlgallada burburinta ee bartilmaameedsaday xarumaha iyo kaabayaasha dhaqaalaha bilihii la soo dhaafay, laakiin ilaa hadda ma jiraan tilmaamo rasmi ah oo la xiriira qaraxa Moscow iyo horumarkan. Dhinaca kale, shabakadda wararka ee BAZA oo xiriir wanaagsan la leh Hayadaha Amniga Ruushka ayaa sheegtay in Qaraxu uu ka dhacay Makhaayadda Balzi Rossi ee Talyaaniga taaso ah mid qaali ah. Mareegta Goobta ayaa sheegtay Sabtida maanta ah in goobta la xiray si loogu qabto munaasabado gaar ah balse aan la sheegin, mana jirto cid ilaa hadda sheegatay Qaraxa ka dhacau Moosko.

XIGASHO-WAKAALADDO.

Previous
Previous

GUDI LOO MAGACAABAY DOORASHADA GUDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA

Next
Next

EX.GUD.THABIT OO ISAGA BAXAY XISBIGA HAYBAD QARAN EE MUCAARADKA AH.