EX.GUD.THABIT OO ISAGA BAXAY XISBIGA HAYBAD QARAN EE MUCAARADKA AH.

(MUQAALKA)-EX.GUD.THABIT.

(MUQDISHO/SOMALIA)-BREAKIN NEWS: ”𝐁𝐀𝐘𝐀𝐀𝐍 𝐐𝐀𝐑𝐀𝐍 𝐗𝐈𝐒𝐁𝐈𝐆𝐀 𝐀𝐖𝐎𝐎𝐃𝐃𝐀 𝐒𝐇𝐀𝐂𝐀𝐁𝐊𝐀”. Bayaankaan ayaa waxaa soo Madaxa Urur Siyaasadeedka”Awooda Shacabka” ee uu Hogaamiyo Md.Thabit Cabdi Maxamed horay u soo noqday Gudoomiyaha G/Banadir isla markaasne ah Duqa caasimadda Muqdisho,bayaanka ayaa qoraany sidan:

Xisbiga Awoodda Shacabka wuxuu ka mid ahaa tobankii (10) xisbi, ururo, dallado siyaasadeed ee Aas-Aasay Midowga Haybad Qaran, isagoo rumaysnaa in iskaashigu uu horseedi karo xal qaran oo ku dhisan wada-tashi, dowladnimo iyo rabitaanka Shacabka Soomaaliyeed. Mudadii uu Xisbigu ka tirsanaa Midowga, wuxuu si joogto ah u gudbiyay tallooyin iyo aragtiyo ku salaysan xasilloonida dalka iyo midnimada qaranka. Waxaan mar walba doorbidnay wada-hadal iyo is-afgarad, annagoo aaminsan in khilaafka siyaasadeed lagu xalliyo hannaan nabadeed iyo Soomali wadahadasha. Nasiib darro, markii Midowga Haybad Qaran uu ku biiray Golaha Mustaqbalka, waxaa noo muuqatay in jihada siyaasadeed ee la qaaday aysan waafaqsanayn mabaadi'dii illaalinta danta guud. Si gaar ah warqaddii ugu dambaysay ee Golaha Mustaqbalka ee 28 July 2026 ay ku qoreen in Gole ku-meelgaar ah oo la wareega talada dalka la sameeyo, taas oo ahayd mas'uuliyad darro iyo in dowladnimada rasmiga ee Soomaaliya la doonayo 15 sanno in dib loo celiyo, Ka Midowga Haybad Qaranna uusan mas'uuliyad darradaas wali mowqif ka qaadan. "𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐪𝐢𝐢𝐦𝐞𝐲𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐭𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐢𝐬𝐛𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐰𝐨𝐨𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐜𝐚𝐛𝐤𝐚, 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚𝐧 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐧𝐚𝐲 𝐠𝐨'𝐚𝐚𝐧 𝐚𝐡 𝐢𝐧 𝐗𝐢𝐬𝐛𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐰𝐨𝐨𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐜𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐮𝐮𝐬𝐚𝐧 𝐪𝐚𝐲𝐛 𝐤𝐚 𝐬𝐢𝐢 𝐚𝐡𝐚𝐚𝐧 𝐤𝐚𝐫𝐢𝐧 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐰𝐠𝐚 𝐇𝐚𝐲𝐛𝐚𝐝 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧. 𝐆𝐨'𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐢𝐬𝐛𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐰𝐨𝐨𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐜𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐤𝐚𝐠𝐚 𝐛𝐚𝐱𝐚𝐲 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐰𝐠𝐚 𝐇𝐚𝐲𝐛𝐚𝐝 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐦𝐚 𝐚𝐡𝐚𝐧 𝐦𝐢𝐝 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐥𝐚𝐲𝐬𝐚𝐧 𝐜𝐨𝐥𝐚𝐚𝐝 𝐢𝐲𝐨 𝐧𝐚𝐜𝐞𝐲𝐛 𝐬𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐞𝐞𝐝 𝐛𝐚𝐥𝐬𝐞 𝐰𝐚𝐚 𝐠𝐨'𝐚𝐚n 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐥𝐚𝐲𝐬𝐚𝐧 𝐦𝐚𝐛𝐝𝐚', 𝐦𝐚𝐬𝐮𝐮𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝 𝐪𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐢𝐧𝐚𝐚𝐧 𝐚𝐚𝐦𝐢𝐧𝐬𝐚𝐧 𝐧𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐃𝐚𝐧𝐭a 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐚𝐲 𝐤𝐚 𝐰𝐞𝐲𝐧 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐝𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐈𝐬𝐛𝐚𝐡𝐚𝐲𝐬𝐢 𝐤𝐚𝐬𝐭𝐚." Wuxuu Xisbiga Awoodda Shacabka u mahadcelinayaa Guddoomiyaha Midowga Haybad Qaran iyo dhammaan asxaabtii ay soo wadashaqeeyeen.

XIGASHO-THABIT ABDI.

Next
Next

CIRRO OO LA KULMAY TALIYE GEN.TUDOR OO MARAYKAN AH.