SHIL CULUS OO KA DHACAY FOREST LAKE CAAWA.

(MUUQAALKA)-SHIL CAAWA DHACAY.

(FOREST LAKE/MINN)-BREAKING NEWS:-Waaxda Booliska ee Forest Lake ayaa baaraysa ka dib markii askari ka tirsan Gobolka Minnesota uu shil halis ah la galay darawal kale fiidnimadii caawa oo Axad ah.. "Ciidamada Ilaalada Gobolka Minnesota waxay xaqiijin karaan in askari ka tirsan gobolka uu ku lug lahaa shil halis ah galabnimadii maanta oo Isniin ah ka dhacay I-35 oo u dhow 220th St ee Forest Lake," sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay ciidamada ilaalada gobolka. Wadada weyn ayaa hore loo xiray ka dib markii shilku dhacay, laakiin tan iyo markaas dib ayaa loo furay. Darawalkii gaariga iyo askarigii ayaa labaduba si xun ugu dhaawacmay shilka waxaana loo qaaday daryeel caafimaad, sida lagu sheegay bayaanka. Lama sheegin magacyadda labada qof ee shilka wax ka soo gaareen,in kastoo askeriga la sheegay inuu ahaa State Trooper ka hawlgala Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka.

XIGASHO-KA.


Next
Next

SACDIYA BAJAJ OO MAANTA KA SOO MUUQATAY MAXKAMADA RACFAAN G/BANADIR.