RW.SHEBAZ SHARIF OO CODSI DEG DEG AH U DIRAY MARAYKANKA IYO IRAAN.
(SAWIRKA)-RW-SHEBAZ SHARIF.
(ISLAMABA/PAKISTAN)-Ra'iisul wasaaraha Pakistan, oo door muhiim ah ka ciyaaraya dhexdhexaadinta colaadda Bariga Dhexe, ayaa caawa oo Arbaca ah ku boorriyay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump inuu kordhiyo waqtiga kama dambaysta ah ee weerarrada baaxadda leh ee lagu qaadayo Iiraan laba toddobaad. "Dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu xallinayo nabadda dagaalka ka socda Bariga Dhexe ayaa si joogto ah u socda, si xooggan oo awood leh iyadoo la filayo inay natiijooyin wax ku ool ah mustaqbalka dhow keenaan," ayuu Shehbaz Sharif ku yiri qoraal uu soo dhigay X. "Si diblomaasiyadda loo oggolaado inay socoto, waxaan si dhab ah uga codsanayaa Madaxweyne Trump inuu kordhiyo waqtiga kama dambaysta ah muddo dhan laba toddobaad." Hadalkiisa ayuu sii raaciyey, “Pakistan waxay si daacad ah uga codsaneysaa walaalaha Iraan iney furaan Marinka Hormuz muddo u dhiganta laba todobaad taaso ah tilmaan wanaagsan. Waxaan sidoo kale ku boorinayaa dhammaan dhinacyada dagaalamaya iney meel walba ku dhaqmaan xabad joojin muddo laba todobaad ah si diblomaasiyadu u gaarto joojinta dagaalka, iyadoo la daneynaayo nabadda iyo xasiloonidda mudada dheer ee Gobolka Bariga Dhexe”.
ISHA-AA.