GUDIGA DOORASHOOYINKA QARANKA OO SOO SAARAY GOOBAHA DOORASHADA KGS.
(SAWIRKA)-DOORASHO.
(MUQDISHO)-Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (NIEBC) ayaa si rasmi ah u shaaciyey liiska Ururrada Siyaasadeed iyo Degmooyinka lagu qabanayo doorashooyinka Qof iyo Cod ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. War-saxaafadeed ka soo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in doorashadu ka dhici doonto 12 degmo oo muhiim ah, kuwaas oo ka kala tirsan gobollada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose. Degmooyinka la cayimay ayaa kala ah:{ Baydhabo, Baraawe, Marka, Afgooye, Wanlaweyn, Buur-hakaba, Waajid, Berdaale, Diinsoor, Xudur, Ceelbarde iyo Qansax Dheere}. Sidoo kale, guddigu wuxuu xaqiijiyey in (32) Urur Siyaasadeed ay si rasmi ah ugu diiwaan-gashan yihiin ka qaybgalka doorashada. Ururradan ayaa isugu jira kuwo cusub iyo kuwo hore u jiray, waxaana ka mid ah: {Badbaado Bulsho, Barwaaqo, Cadaaladda iyo Badbaadada, Towfiiq, Han iyo Hannaan Qaran, iyo Iftiin Qaran}. Guddiga Doorashooyinka ayaa tilmaamay in habkan cusub ee “Qof iyo Cod” uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo Dimuqraadiyadda iyo ka qaybgalka shacabka ee hoggaaminta dalka. “Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan muwaadiniinta ku nool Koonfur Galbeed inay si firfircoon uga qayb qaataan doorashada, si ay u doortaan hoggaan ay iyagu leeyihiin,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka guddiga.
ISHA-GJ.