KOOXAHA HUBEYSAN EE CIRAAQ OO SII DEYN DOONO SAXAFIYAD MARAYKAN AH.

(SAWIRKA)-SHELLY.

(BAGHDAD/IRAQ)-Kooxda hubaysan ee awoodda badan ee Kataa’ib Xizbullah ee dalka Ciraaq ayaa Talaadada maanta ah ku dhawaaqday inay sii deyn doonto weriye Mareykan ah laguna magacaabo Shelly Kittleson, toddobaad ka dib markii lagu afduubtay caasimadda Baqdaad. "Annagoo aqoonsanayna mowqifka qaran ee Ra'iisul Wasaaraha xilka ka degaya, waxaan go'aansannay inaan sii deyno eedaysanaha Mareykanka ah Shelly Kittleson, iyadoo shardi looga dhigay inay si deg deg ah uga baxdo dalka," ayuu Abu Mujahid AL-Assaf, oo ah sarkaal amni oo ka tirsan kooxda ay taageerto Iiraan, ku yiri hadal kooban. Wuxuu intaas ku daray in tani ay ahayd tallaabo gaar ah oo "aan mar kale lagu celin doonin maalmaha soo socda, maadaama aan ku jirno xaalad dagaal oo uu bilaabay cadowga Sahyuuniyadda-Mareykanka ee ka dhanka ah Islaamka, xaaladaha noocaas ahna waxaa la iska indha tirayaa arrimo badan." Sarkaal sare oo ka tirsan amniga Ciraaq ayaa Arbacadii u sheegay AFP in mas'uuliyiintu ay xireen xubin ka tirsan koox taageersan Iiraan oo la rumeysan yahay inay ku lug lahayd afduubka wariye Mareykan ah. Washington waxay sheegtay in qofka la tuhunsan yahay loo maleynayo inuu xiriir la leeyahay Kataib Hezbollah, oo Mareykanka uu ku daray liiska madow. Waaxda Arrimaha Dibadda ma aysan magacaabin Kittleson, laakiin waxaa aqoonsaday kooxaha u dooda warbaahinta iyo mid ka mid ah warbaahinta ay u shaqeysay. Baqdaad waxay caan ku ahayd afduubka iyo isku dayga afduubka, laakiin way hoos u dhaceen iyadoo xaaladda amniga ee Ciraaq ay soo hagaagtay sannadihii u dambeeyay. Elizabeth Tsurkov oo ah aqoonyahan Israa'iili ah oo Ruush ah ayaa lagu afduubtay Baqdaad sanadkii 2023, waxaana la haystay labo sano ilaa laga sii daayay sanadkii hore.

ISHA-AA.

Previous
Previous

RW.SHEBAZ SHARIF OO CODSI DEG DEG AH U DIRAY MARAYKANKA IYO IRAAN.

Next
Next

ITOOBIYA OO QABATAY SHABAKAD DADKA TAHRIIBISA.