RW-XAMSE OO TABABAR U SOO XIRAY SARAAKIIL IYO SARAAKIIL XIGEEN.

(SAWIRKA)-RW-XAMSE IYO WASIIR FIQI.

(MUQDISHO)-Reysal Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tababar u soo xiray Saraakiil, Saraakiil-Xigeenno iyo cutubyo ka tirsan Ciidanka Gorgor ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaasoo tababbaro kala duwan ku soo qaatay dalka Turkiga iyo Kulliyada Tababbarka Ciidamada ee Turkiga (TurkSom). Reysal Wasaaraha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya, ey ku howlan tahay dhismaha ciidan Qaran oo loo dhamaystiray aqoon iyo hoggaamin wanaagsan, si loo xaqiijiyo himilada dowladnimada, taasoo ey saldhig u tahay dhismaha Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed. Mudane Xamsa, ayaa tilmaamay in difaaca dalka iyo xoreyntiisa ey tahay mudnaanta kowaad ee uu leeyahay ciidanku, sidaas darteed Askariga Soomaaliyeed uu leeyahay karaamo iyo mudnaan gaar ah. “Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed waxaa ey laf-dhabar u yihiin dowladnimo xooggan oo isku filan, sidaasi darteed waa in aad qaadaan masuuliyadeeda, waxa aad u diyaar-garowdaan in aad dalkeenna ka xoreysaan cadowga oo soo celisaan qiimaha, sharafka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed”. Ayuu yiri Mudane Xamsa Cabdi Barre. Reysal Wasaaraha, oo dardaaran u jeediyay ciidanka tababbarka qaatay, ayaa xusay in cutubyadani ey door weyn ka ciyaari doonaan dadaallada dowladdu ugu jirto xaqiijinta amniga dalka iyo la-dagaallanka kooxaha Khawaarijta ah oo caqabad ku ah Amniga iyo Midnimada dalkeenna. Reysal Wasaare Xamsa, ayaa uga mahadceliyey dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga shacabkooda iyo Xukuuumaddooda, dadaalkooda iyo garab istaagga ey u muujiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

ISHA-OPM.


Previous
Previous

DALKA MASAR OO MAR KALE TAAGEERAY SOOMAALIYA.

Next
Next

JARMALKA OO KU DHEGAN KABTAN AYUUB IYO YACQUUB SIYAAD,SABABTA?