DALKA MASAR OO MAR KALE TAAGEERAY SOOMAALIYA.
(SAWIRKA)-MW-XASAN IYO EL SISI.
(ADDIS ABABA)-Wararka aan ka heleyno caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa ayaa sheegaayo in maanta oo Khamiis ah uu halkaasi ka furmay shir uu yeelaano Golaha Nabadda iyo Amaanka Midawga Afrika kaasoo loo ballansanaay. Shirka maanta ayaa looga hadlay Xaaladda dalka Soomaaliya iyo Hawlgaladda AMISOM ee taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya(AUSSOM). Kalfadhigaan ayaa ah midkii 1287-aad ee Golaha,waxa uuna u qabsoomay heer Wasiir,kulanka ayaa lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan kala guurka ATMIS iyo AUSSOM iyo sidii loogu heli lahaa hawlgelin hawlgalka cusub,sida ey sheegtay Amani Afrika. Shirka ayaa waxaa shir gudoomiyey Wasiirka Arrimaha Dibadda Ugandha, oo sidoo kale ah Gudoomiyaha Gudiga Golaha Nabadda iyo Amaanka Afrika(PSC) ee Luuliyo-2025-ka. Xubnaha ugu muhiimsan waxaa ka mid ahaa,Gudoomiyaha Gudiga Midawga Afrika, Wasiirul Dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda DFS Md.Cali Balcad,Wakiilo ka kala socday IGAD,UN iyo Midawga Yurub. Kala guurka Hawladda ATMIS iyo AUSSOM ayaa la soo gabagabeeyey30/6/2025-ka,waxaane kulankan uu noqon doonaa mid muhiim u ah dib u eegistahorumarka iyo wax ka qabshada caqabadaha haray,sida ey sheegtay Amani Afrika. Warbixintii ugu dambeysay ee ku saabsan hawlgalka AUSSOM waxaa la qabtay intii lagu guda jiray kal fadhigii 1276-aad ee PSC-da ee dhacay Abriil-29-dii. Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Socdaalka Masar Dr. Badr Abdel Caadhi ayaa xaqiijiyay mowqifka adag ee Masar iyo taageerada ey la garab taagan tahay Soomaaliya, Amniga, Xasiloonida, Midnimada, iyo Midnimada dhuleed. Wuxuu bogaadiyay dadaallada dowladda Soomaaliya ey ugu jirto soo celinta Amniga iyo Xasiloonida iyo Xoojinta Dowladnimada iyo Hay’adaha Dowliga ah ee dalka oo dhan. Tani waxay ku soo beegantay intii lagu guda jiray xilli uu ka qayb gelaayey Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar shir qabsoomay maalinta oo khamiis, kulanka casriga ah oo ay yeesheen Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ee heer Wasiir, si ey daba gal ugu sameeyaan isbeddellada ka jira Soomaaliya, loogana wadahadlo xaaladihii ugu dambeeyay ee geeddi-socodkii looga guuray Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) ee howlgalka Midowga Afrika ee taageerada iyo xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), sida lagu sheegay bayaan ey soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar. Dr.Abdel-Caadhi ayaa ku celceliyay in Masar ey garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, oo ey ku jirto xoojinta awoodaha Hay’adaha Qaranka Soomaaliyeed iyo in si tartiib tartiib ah mas’uuliyadda Amniga loogu wareejiyo Ciidamada Ammaanka Soomaaliya. Xukuumadda Masar ka muujisay walaaca ey ka qabto caqabadaha amni ee joogtada ah oo ey wadaan kooxaha Argagaxisada ah, gaar ahaan AL-Shabaab, isagoo carabka ku adkeeyay muhiimada ey leedahay in si habsami leh oo isku xiran looga gudbo howlgalka ATMIS ee looguna gudbo howlgalka AUSSOM, ilaalinta guulaha amni ee la gaaray iyo ka hortagga ka faa’ideysiga daldaloolada amniga. Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ey leedahay bixinta maalgelin joogto ah oo joogto ah howlgalka AUSSOM si ey ugu suurtagasho in si buuxda uu u fuliyo waajibaadkiisa. Wuxuu ku nuuxnuuxsaday in haddii aan la bixin dhaqaalaha ey wiiqi doonto awoodda howlgalka si ey u gutaan waajibaadkooda, isla markaana ey saameyn xun ku yeelan doonto guud ahaan gobolka Geeska Afrika iyo beesha caalamka, oo ey ka mid yihiin carqaladeynta ganacsiga badda ee caalamka iyo kordhinta khatarta Argagixisada. Abdel-Caadhi waxa uu ku celceliyay sida ey Masar uga go’an tahay iney Soomaaliya ka taageerto heer laba geesood ah iyo mid dhinacyo badan leh, iyada oo loo marayo barnaamijyada kobcinta awooda, tababarida shaqaalah,Taageeradda Amniga iyo Hyadaha Rayidka ah iyo ka qeybqaadshada gargaarka Bani’adanimo.
ISHA-WAKAALADDO.