RW-XAMSE OO SHIR GUDOOMIYEY FADHIGA GOLAHA WASIIRADDA.

(SAWIRKA)-GOLAHA WSIIRADDA DFS.

(MUQDISHO)-Shirka Golaha Wasiirrada oo uu shir Guddoominayey Reysal Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey heshiis is-af-garad oo u dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Masar, kuna saabsan iskaashiga Arrimaha Caddaaladda, iyo Siyaasadda Qaran ee Socdaalka Shaqada. Kulanka, ayaa sidoo kale, lagu meel-mariyey heshiis is-afgarad u dhexeeya Wasaaradda Gaadiidka iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha Turkiga iyo Wasaaradaha u xilsaaran Gaadiidka iyo kaabayaasha dhaqaale ee dalalka Xeebaha leh ee Afrika, kuna saabsan Iskaashiga Xoojinta Xiriirka Gaadiidka, kaasoo ey Soomaaliya u soo saxiixday Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS. Kulanka Golaha ayaa lagu soo bandhigay warbixin la xiriirta shirka wada-hadalka ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Samatabixinta, iyada oo Goluhu bogaadiyey shirkan iyo shirarkii ka horeeyey ee lala yeeshay Siyaasiyiinta iyo Ururrada diiwaan gashan, kuwaasoo looga tashanayey Arrimaha Masiiriga ah ee dalka. Golaha ayaa sidoo kale, warbixinno la xiriira amniga iyo munaasabadihii dabaaldegga maalmaha xorriyadda, waxa uu ka dhageystay Wasaaradaha Amniga, Gaashaandhigga iyo Guddigii ka shaqeynayey dabaal-degga todobaadka xorriyadda, taasoo si weyn looga maamuusay dalka.

ISHA-OPM.


Previous
Previous

AFHAYEENKA XUKUUMADDA DANQARAN OO KA SOO MUUQDAY…

Next
Next

DALKA MASAR OO MAR KALE TAAGEERAY SOOMAALIYA.