RW-XAMSE OO SHIR GUDOOMIYEY KULANKII MAANTA.

(SAWIRKA)-GOLAHA XFS.

(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegayo in Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya e bogaadiyeen guulaha ciidanka qalabka sida iyo kuwa deegaanka oo toddobaadkan guulo taariikhi ah ka soo hooyay furimaha dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta. Shirka Golaha oo uu shir Guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan xaaladda guud ee Amniga, guulaha laga gaaray furimaha dagaalka, iyo sidoo kale hawsha iyo dadaalka ey waddaan guddiga taakuleynta dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah. Dhinaca kale, Golaha ayaa ansixiyey Hindise-Sharciyeedka Wax ka beddelka Sharciga Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda oo Qeexaya ib-u Habeynta Nidaamka Shaqo iyo Ilaalinta Xuquuqda Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda, isaga oo la jaanqaadaya Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee (NTP 2025-2029). Kulanka maanta ee Golaha XFS ayaa looga fadhiyey iney ka soo baxaan go’aamo isku shaandheyn ah oo lagu sameynaayo qaar ka mid ah Golaha XFS sida Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Wasaaradda G/dhigga, Hayadda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA talisyada ka hawlgala G/Banaadir sida kan Booliska iyo kan NISA,balse intuba ma eysan dhicin.

ISHA-SNTV.

Previous
Previous

UAE IYO PUNTLAND MIDKEE AYAA MAAMULA G/BOSASO?

Next
Next

JABUUTI IYO MASAR OO KA WADA HADLAY XAALADA..