JABUUTI IYO MASAR OO KA WADA HADLAY XAALADA..

(SAWIRKA)-GEELE IYO EL-SISI.

(CAIRO)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Masar ee Qaahira ayaa sheegaayo in Madaxweynaha dalka Masar Md.C/fataax EL-sisi uu Arbacadii shalay ahayd booqasho ku tegay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti isagoo wada hadallo Siyaasadeed oo balaaran halkaasi kula yeeshay dhigiisa Jamhuuriyadda Jabuuti Md.Ismaaciil Cumar Geele,waxa eyna ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo isdhexgalka wada jirka ah ee horumarinta Gobolka ee Badda Cas iyo Geeska Afrika. Labada hogaamiye ayaa iftiimiyey dadaaladda socda ee lagu xoojinaayo iskaashiga laba geesoodka ah ee taabanaayo dhinacya badan,sida Difaaca Amniga,Ka hortaga fikirka Xagjika ah, Warbaahinta, Tamarta, Ganacsiga,Dhaqaalaha, ICT, Waxbarashada, Tacliinta Sare, Dhaqanka Caafimaadka,Iskaashiga Bulshada,Dalxiiska,Dhallinyarad iyo Ciyaaraha. Madaxweyne EL-Sisi ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Jamhuuriyadda Jabuuti ka dib markii Amb.Maxamud Cali Yuusuf oo ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Jabuuti loo doortay Gudoomiyaha Cusub ee Ururka Midawga Afrika(AUC),halka Madaxweyne Ismaaciil Cumara Geele uu cadeeyey in dalkiisa uu taageersan yahay Musharaxnimada Wasiirkii hore ee dalxiiska dalka Masar Md.Khaalid EL-Canaani oo u taagan jagada Agaasimaha Guud ee Hayadda UNESCO inta lagu guda jiro doorashada la qorsheeyey iney dhacdo 5-ta bisha Oktoobar-2025-ka. Labada Hogaamiye(Geele iyo EL-sisi) oo si weydaarsaday aragtiyo ku saabsan Arrimaha Gobolka iyo kuwa Caalami ah ee danaha guud,iyadoo la eegaayo caqabadaha hortaagan labada dal iyo doorka muhiimka ah oo ey ku leeyihiin wax ka qabadka Qalalaasaha Gobolka ka jira iyo sidii loo xaqiijin lahaa Xasiloonida Bariga Dhexe iyo Geeska Afrka,labada hogaamiye waxa ey si diiran u soo dhaweeyeen taageereene dadaal kasta oo lagu taageeraayo Amniga,Xasiloonida iyo Wadajirka dhulka Soomaaliya isla markaane kor loogu qaadayo waooda dhammaan Hayadaha Dawladda Soomaaliya si ey u xakameeyaan caqbadaha jira iyo dadaalka ey ugu jiraan la dagaalanka Argagixisada lidka ku ah Qaranka Soomaaliyeed. EL-sisi iyo Geele,waxa ey ku nuuxnuuxsadeen sida ey dalalkooda uga go’an tahay iney ciidamo u diraan Hawgalka cusub ee Taageerradda iyo Xasillinta Midawga Afrika ee Soomaaliya ee AUSSOM. Waxay kaloo carbka ku adkeeyeen muhimadda ey leedahay in la joogteeyo isku duba ridka wadajirka ah ee Arrimaha Gobolka iyo tan Caalamka,haddii ey ahaan lahayd heer laba geesood ah ama mid dhinacyo badan ah ama iyadoo loo maraayo Golayaasha iyo Ururada Gobolka iyo kuwa Caalmiga ah gaar ahaan Ururka Jaamicadda Carabta,Midawga Afrika,Ururka Iskaashiga Islaamka iyo Qaramada Midoobe. Inta uu socday wada hadalkooda, EL-sisi iyo Geele waxay si cad u diideen fal kasta oo khatar ku ah badbaadada iyo Xuriyadda socdaalka Badda Cas,iyagoo hoosta ka xariiqay baahidda loo qabo in la ilaaliyo mabaadii’ida Aminga Gobolka,iyagoo cadeeyey in masuuliyadda koowaad ee maamulka iyo sugidda marinka muhiimka ah ee Ganacsiga Badda ey saaran tahay oo kaliyah dalalka Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

ISHA WARKA-EGYPT TODAY.

Previous
Previous

RW-XAMSE OO SHIR GUDOOMIYEY KULANKII MAANTA.

Next
Next

KAMPALA MAXAA KA SOCDA OO AANAD OGAYN?