KAMPALA MAXAA KA SOCDA OO AANAD OGAYN?

(SAWIRKA)-TALIYEYAASH CIIDAMADDA AUSSOM.

(KAMPALA)-Gelida Qaahira ee AUSSOM waxay calaamad u tahay isbeddel istiraatiiji ah. Qaab-dhismeedyadii hore ee hawlgallada Ururka Midawga (AMISOM iyo ATMIS) dalka Masar waxa uu banaan joog ka ahaa Xayndaabka ka qeybgalka Hawlagaladda Afrika. Ku biiritaankeeda rasmiga ah ee sanadkan waxa ey muujinaysaa xiisaha sii kordhaya ee loo qabo Qaab-dhismeedka Amniga Gobolka Geeska, taas oo ey sabab u tahay xiisadii dhawaan kala dhaxaysay Itoobiya, oo heshiis muran badan dhalisay la gashay Somaliland, oo ah Gobol iskiis ugu dhawaaqay inuu ka go’ay dalka Soomaaliya. Khilaafkaas ayaa taraaday tan iyo markii uu qabsoomay wada hadalkii Muqdisho iyo Addis Ababa ku dhex maray dalka Turkiga. Si kastaba ha ahaatee, ku lug lahaanshaha Masar ee AUSSOM waxa laga yaabaa in loo eego muraayada meelaynta juqraafiyeed iyo midnimo qaaraddeed. Kulanka Kampala ayaa horudhac u ah shir Madaxeedka aan caadiga ahayn ee Madaxda Dowlad Dawladaha iyo Hogaamiyeyaash wadamada AUSSOM ee soo socda, shirkan oo ah mid heerkiisu sareeyo ayaa la filayaa in lagu Qeexo Qorshaha Siyaasadda iyo Maaliyadda ee Midowga Afrika uu ku sii wadi doono Soomaaliya.

XAQIIQADDA MAALIYADEED:

Laakiin hoos u wada sheekeysiga dhabta ahi waxa ayaa ku wareegaaleysaneysa Hufnaanta Istiraatijiyadeed iyo Xaqiiqada Maaliyadeed. Hogaamiyayaasha militariga ayaa dib u eegis ku sameynaya halbeegyada shaqada iyo dheelitirka jilicsan ee u dhexeeya hoos u dhaca marxalada ah iyo sida ey Soomaaliya diyaar ugu tahay iney si buuxda gacanta ugu dhigto. ATMIS, oo la soo gebagebeeyey 31-kii December, 2024, ayaa loogu talagalay iney masuuliyadda Amniga dalka Soomaliya iney ku wareejiso Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed(SNA). Haddana iyadoo horumar la sameeyay, Hay'adaha Amniga Soomaaliya waxay weli la il-daran yihiin goldaloolooyinka xagga awoodda, isku-duubnida, iyo dhul-gaarista. Dhanka kale, Qoraal-hoosaadyo muhiim ah ayaa ah isbeddelka Yurub. Midowga Yurub, oo muddo dheer ka mid ah maalgeliyayaasha ugu muhiimsan ee howlgalka, ayaa waxa isa soo taraya hadal haynta baahida loo qabo qaybinta Mas'uuliyadaha Maaliyadeed iyo saadka si siman. Saraakiisha reer Yurub ee ku sugan Brussels waxay ku doodayaan in daneeyayaasha kale ee caalamiga ah oo ey ku jiraan Waddamada Khaliijka, Mareykanka, Shiinaha, iyo Quwadaha Afrika ey tahay iney bilaabaan garwaaqsadaane kharashaad badan haddii la doonaayo in howlgalka xasilinta uu noqdo mid waara. Sida laga soo xigtay Majaladda Dibolmaasiga Ugaandha laga bilaabo shalay oo Talaada ahayd kuna beegneed 22/4/25-ka ilaa 25/4/25-ka Huteelka Mestil ee ku yaalo caasimadda Kampala ayaa martigelin doono Madax Sar-sare oo ka kala socoto dalalka”Ugaandha, Kenya, Itoobiya, Burundi, Jabuuti iyo markii ugu horeysay Masar”.

ISHA-THE EASTLEIGH VOICE.

Previous
Previous

JABUUTI IYO MASAR OO KA WADA HADLAY XAALADA..

Next
Next

IMAARAATKA MUXUU UGU YEERAY LAFTAGAREEN?