UAE IYO PUNTLAND MIDKEE AYAA MAAMULA G/BOSASO?
(SAWIRKA)-ELM EY ISRAEL SAMEYSAY.
(BOSASO)-Imaaraatka Carabta ayaa raadaar militari geysay Puntland horaantii sanadkan si ey uga difaacaan Garoonka Diyaaradaha Boosaaso weerarada ka imaan kara Xuutiyiinta Yemen, sida ilo xog ogaal ah ey u sheegeen Wargayska Middle East Eye. Sawirka Dayax-Gacmeedka laga soo bilaabo horaantii bishii Maarso ayaa muujinaya in ELM-2084 3D Active Electronically Scanned Radar oo lagu sameeyey Isra’iil in dhawaan lagu rakibay Garoonka Diyaaradaha ee magaaladda Bosaso. Xogta guud ee gaadiidka cirka ee la hayo ayaa tilmaamaysa in Imaaraadku uu sii kordhayo isticmaalka Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso si uu u siiyo Ciidamada Gargaarka deg dega ah (RSF) ee Suudaan,RSF waxa ey dagaal kula jirtay millatariga Suudaan muddo laba sano ah. Horaantii sanadkan, dowladda Suudaan ayaa dacwad ka dhan ah Imaaraadka u gudbisay Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda, iyadoo ku eedeysay iney xasuuq ka geysatay xiriirka ey la leedahay RSF. Imaaraadku wuu diiday inuu taageero milateri ahaan RSF-ta. "Imaaraadka ayaa raadaarka rakibay wax yar ka dib markii RSF ey lumisay gacan ku haynta inta badan Khartoum horaantii bishii Maarso," ilo gobol ayaa u sheegay Wargayska Middle East Eye. "Ujeedada Raadaarka ayaa ah in la ogaado oo laga bixiyo digniin hore oo ka dhan ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ama hanjabaadaha Gantaalaha, gaar ahaan sida ey suurtagal u tahay in Xuuthiyiintu ey soo ridaan, oo ey Boosaaso soo weeraraan."
“Heshiiskani waa qarsoodi, xitaa madaxda ugu sareysa dowladda Puntland oo ay ku jiraan golaha wasiirada ayaan waxba ka ogeyn”.
Ilaha kale ee gobolka ayaa sheegay in raadaarka la dhigay Garoonka dhamaadkii sanadkii hore. Wargayska Middle East Eye waa uu awoodi wayay inuu si madaxbanaan u xaqiijiyo sheegashadan.
Ilaha labaad ayaa sheegay in Imaaraadku uu maalin kasta Garoonka Diyaaradaha Boosaaso u adeegsan jiray taageerada RSF-ta, iyadoo diyaarado waa-weyn oo xamuul ah ey si joogto ah u soo degi jireen si ey u rartaan Hub iyo Rasaas mararka qaarna waxaa la arkaayey markiiba gaareysa ilaa shan shixnad oo waa-weyn.
Wargayska Middle East Eye(MEE) waxa uu wax ka weydiiyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta. Wasiirul Dowlaha Madaxtooyada Puntland C/fitaax Cabdinuur oo aan la xiriirnay eedeymaha loo jeediyay ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo arrintan, wuxuuna taa beddelkeeda u diray qoraallo uu ku jeesjeesay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.
XIRIIRKA SOO JIREENKA AH:
Labo ka mid ah ilo-wareedyo kala duwan oo Soomaali ah ayaa sheegay in Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uusan ogolaansho weydiisan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Baarlamaanka Puntland si loo qaabeeyo. Puntland waa Dowlad Madaxbanaan oo si weyn loogu tixgaliyo iney tahay dhul Soomaaliyeed oo Madax banaan. "Kani waa heshiis Qarsoodi ah, xitaa Madaxda ugu sareysa Dowladda Puntland, oo ey ku jiraan Golaha Wasiirada, ayaan ka warqabin heshiiska," ayuu yiri mid ka mid ah ilo-wareedyo Soomaaliyeed oo arrintan si toos ah ula socda. "Ka aamusnaanta Dowladda Federaalka Soomaaliya ee arrintan waa wax aan la fahmi karin." Ilahan ayaa sidoo kale iftiimiyay wararka sheegaya in Garoonka Diyaaradaha Boosaaso la keenay ciidamo Kolombiyan ah oo loo daabuli doono dalka Suudaan, inkastoo aan la ogeyn cidda bixisay fiisaha, maadaama Muqdisho aysan ku lug lahayn habaynta. Imaaraatka Carabta ayaa xiriir soo jireen ah la leh Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo siin jiray kaalmo dhaqaale iyo tababaro ey siiyeen ciidamo Soomaali ah si ey ula dagaalamaan kooxaha hubeysan sida AL-Shabaab muddo sanado ah. Laga soo bilaabo 2009, Imaaraadku wuxuu kaloo si gaar ah uga hawlgalayey Puntland, oo Juquraafi ahaan u dhow Imaaraadka iyo Yemen. Imaaraatka Carabta ayaa Puntland u tababaray ciidamo la dagaalama burcad badeeda. Deni ayaa loo arkaa inuu si dhow ula safan yahay Imaaraadka Carabta, iyadoo sababta ugu weyn ey tahay kaalmo dhaqaale oo uu ku xoojin karo hankiisa siyaasadeed.
Mid ka mid ah ilo-wareedyo Soomaaliyeed ayaa soo jeediyay in Deni uu la safan yahay Imaaraadka Carabta ey qeyb ka tahay rabitaankiisa ku aaddan inuu taageero u helo doorashada Madaxweynaha Soomaaliya. "Waxaa jira doorashooyin Madaxweyne 2026, wuxuuna u baahan doonaa taageero kasta si uu ugu guuleysto codka Qaranka," isha ayaa tiri, isaga oo si Qarsoodi ah u hadlaya si looga fogaado saameynta gobolka. Saalim Siciid Saalim oo ah Khabiir heer Gobol ah ahna Agaasimaha fulinta ee Machadka Sidra ee fadhigiisu yahay Puntland ayaa xusay in inkastoo ey jiraan warar lagu faafiyay baraha bulshada iyo sawirada Satellite-ka, Deni iyo maamulkiisa midna kamuu hadlin joogitaanka Raadaarka. "Aamusnaantani waxay soo jeedinaysaa sheegashooyinka iney run yihiin," ayuu yiri Salim, isagoo raaciyay inuusan la yaabin horumarkaas marka loo eego xiriirka soo jireenka ah ee Deni uu la leeyahay Imaaraadka. Sidra waxa uu sheegay iney u badan tahay in Muqdisho ey dooratay in aan la colaadin Imaaraatka, taas badalkeedana ey door bidday in laga aamuso dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee Imaaraadku ka wado Puntland. “Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ku tiirsan yahay taageerada Imaaraadka si loola dagaallamo AL-Shabaab iyo raadinta nabadda dalka,” ayay tiri Sidra. "Waxay macno samaynaysaa in arrimahan lagu xalliyo albaabbada xiran." Dowladda Maxamuud ayaa dhawaanahan waxaa la kulmayay cadaadis xooggan, maadaama AL-Shabaab ay guulo la taaban karo ka gaareen meelo ku dhow Muqdisho. Intaa waxaa dheer, mucaaradnimada ka dhanka ah hoggaankiisa ayaa sii kordhayay, taas oo ey sabab u tahay hab-dhaqanka qabyaaladeed ee nidaamka dowladnimo ee Soomaaliya. Maxamuud ayaa soo jeediyay in laga gudbo nidaamka doorasho ee ku saleysan Qabiilka loona gudbo doorasho caalami ah. Si kastaba ha ahaatee, soo jeedintan ayaa iska caabin kala kulantay qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Hormuudka ah, taasoo ka dhigtay arrin muran badan dhalisay. Imaaraadku waxa kale oo uu dhaqdhaqaaq ka wadaa Maamul-Goboleedka Somaliland, isaga oo sidoo kale Maal-gashiyo la taaban karo ku sameeyey halkaas, taas oo ka xanaajisay Muqdisho. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Axmed Mo Fiqi, ayaa dhammaadka todobaadka sheegay in dawladdiisu u gudbisay Warqad Imaaraadka Carabta, taasoo ey kaga dalbanayaan iney joojiyaan Hab-maamuuska Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro sidii inuu Madax ka yahay.
ISHA-MEE.