RW-XAMSE OO KORMEER SHAQO KU TEGAY WASAARADDA QORSHEYNTA.

(MUUQAALKA)-KULANKII MAANTA.

(MUQDISHO/SOMALIA)-Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer shaqo ku tagay Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha taasi oo hoggaamineysa diyaarinta ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐–๐š๐ฑ-๐ช๐š๐›๐š๐๐ค๐š ๐—๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐š๐ง๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ-๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”. Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran muddadii ay jirtay ku tallaabsatay guulo wax-ku-ool ah, kuwaas oo ay saldhig u yihiin Qorshaha Isbeddelka Qaranka iyo Hiigsiga Qarni-jirka ah ee 2060, oo ah aragti ka timid madaxda sare ee dalka. Howl-wadeennada diyaarinaya warbixinta wax-qabadka Xukuumadda ayaa la-wadaagay Raโ€™iisul Wasaaraha, waxyaabihii ka hirgalay Lixda Tiir ee amniga, dhaqaalaha, arrimaha bulshada, Soomaali-heshiis ah, dunidana heshiis laโ€™ah, iyo Garsoorka, iyada oo warbixinta ay muujisay koror weyn oo dhinac kasta ah. Mudane Xamsa, waxa uu sheegay in loo baahanyahay dadaal, midnimo iyo isku-duubni iyo wada-shaqayn, si bulshadu ugu tallaabsato horumar muuqda oo la taaban karo. Waxa uu xusay in aynu u soconnaa Soomaali mid ah, aysan argagixiso joogin, Soomaali barwaaqo ah oo Khayraadkeeda lasoo baxday, dalkeedana maalgashatay. โ€œWaxa aan doonaynaa in laga wada shaqeeyo horumarka Qaranka, hirgalinta hiigsiga dalkeenna iyo midnimada ummadda, waxa aan hubaa in meesha aan u soconno ay fogtahay oo aysan dhowayn, wali kow ma joogno waxa ina sugaya jid-dheer oo u baahan samir iyo adkaysi, waxa aynu u soconnaa Soomaali mid ahโ€. Ayuu yiri Raโ€™iisul Wasaare Xamsa. Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo carrabka ku adkeeyay in Warbixinta Wax-qabadka ayaa sheegay in warbixinta wax-qabadka ay qeyb ka tahay dhaqanka la-xisaabtanka Xukuumadda DanQaran iyo shacabka Soomaaliyeed, si bulshada loogu soo bandhigo wax-qabad istus oo i taabsii ah, Warbixinta waxaa qeyb ka ah diyaarinteeda dhammaan Wasaaradaha iyo hayโ€™adaha dowladda, iyada oo warbixinta kama dambaysta ah loo gudbiyay Akadeemiyad Goboleedka Afka iyo Dhaqanka si loogu sameeyo tifaftir dhanka Qoraalka iyo Eray-bixinta afka Soomaaliga ah maadaamaa ay tahay dhaxa-reeb ah.

ISHA-SNTV.

Previous
Previous

DUQEYN LALA BEEGSADAY BURCAD BADEEDA PUNTLAND JOOGTA.

Next
Next

MAAMULKA G/BANADIR OO WAR KA SOO SAARAY CABASHOOYINKA DHULKA.