DUQEYN LALA BEEGSADAY BURCAD BADEEDA PUNTLAND JOOGTA.
(MUUQAALKA)-DRONE-TI DUQEYSAY BURCAD BADEEDA.
(GARAWE/PUNTLAND)-Duqayn cusub ayaa goordhoweyd ka dhacday xeebta Jiifle ee degmada Godobjiiraan, Gobolka Nugaal, halkaas oo la sheegay in lala beegsaday doon yar oo ay saarnaayeen tobaneeyo qof. Sida ay sheegeen dadka deegaanka, duqaynta ayaa sababtay dhimashada illaa 7 qof, iyadoo weli la sugayo xaqiijinta rasmiga ah ee tirada khasaaraha iyo cidda fulisay weerarka. Duqaynta ayaa kusoo beegmaysa xilli xeebaha Nugaal ay ka taagan tahay xaalad xasaasi ah oo la xiriirta dib-u-soo-noqoshada falalka burcad-badeednimada. Maalmo ka hor ayaa xeebaha Puntland lagu afduubtay markabka M/V LUTUF, oo ku safrayay calanka Kamaruun, waxaana warar caalami ah ay sheegeen in markabka loo waday dhanka xeebaha Nugaal. Warar hore ayaa sidoo kale sheegay in duqayn ka dhacday deegaanka Garmaal lagu dilay afar qof oo loo tuhunsanaa inay xiriir la leeyihiin kooxaha burcad-badeedda, halka laba kalena ay ku dhaawacmeen. Cidda fulisay duqayntaasi si rasmi ah looma xaqiijin. Puntland ayaa horay u cambaaraysay duqaymaha ka dhacaya xeebaha Nugaal, iyadoo dalbatay in la caddeeyo cidda fulinaysa weerarrada iyo sababta loo beegsanayo goobaha xeebaha. Ilaa hadda ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay masuuliyadda duqaynta cusub, waxaana sidoo kale aan la hayn xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan tirada 7-da qof ee la sheegay inay ku dhinteen.
ISHA-GJ.