MAAMULKA G/BANADIR OO WAR KA SOO SAARAY CABASHOOYINKA DHULKA.

(MUUQAALKA)-KULANKII MAANTA.

(MUQDISHO/SOMALIA)-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta oo axad ah Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan wadi-tashi ah kula qaatay Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS, Sheikh Mukhtaar Roobow Cali, Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda, iyo Hoggaanka Midawga Golayaasha Culumada Soomaaliyeed. Kulankan oo ujeedkiisu ahaa in Dawladda iyo Culumada Soomaaliyeed ay si wadajir ah uga tashadaan maareynta iyo xal-u-helidda cabashada shacabka ee la xiriirta dhulka, xilli ay magaalada Muqdisho ka socdaan dadaallada ay dawladdu dib ugu habeynayso dhulalka danta guud iyo Obasiibooyinka, ayaa falanqeyn iyo dood dheer kadib, waxaa kulanka kasoo baxay qodobbada soo socda:

(1)-Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo dhaweeyay talooyinka culumada ee ku saabsan arrimaha dhulka gaarka loo leeyahay, waxaana uu Maamulku hoosta ka xarriiqay in ilaalinta milkiyadda sida gaarka loo leeyahay ay tahay arrin mar waliba mudnaan gooni ah u leh Maamulka, isla markaana aanan marnaba la ogolayn in lagu xadgudbo dhul ay shacab leeyihiin.

(2)-Midawga Golayaasha Culumaa’uddiinka Soomaaliyeed waxay qireen in Dawladdu ay xaq sharci ah u leedahay maamulidda, bixinta, iyo dib-u-qaabeynta dhulka danta guud iyo Obasiibooyinka, iyadoo la ilaalinayo maslaxadda caamka ah, lana tixgelinayo dadka danyarta ah.

(3)-Maamulka Gobolka Banaadir waxa uu caddeynayaa in uu mar walba diyaar u yahay dhegeysiga iyo xal-u-helidda cabashada muwaaddiniinta, arrintaas oo ay u xilsaaran yihiin Guddiyo heer Maamul ah (sida Guddiga Xalinta Khilaafaadka Dhulka), iyo guddiyo gaar ah oo ay ku jiraan Culumaa’udiinka iyo bulshada qeybaheeda kale. Ugu dambeyn, Maamulka Gobolka Banaadir, Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, iyo Culumaa’uddiinka Soomaaliyeed waxa ay isla qaateen in la joogteeyo iska-war-qabka lana xoojiyo wada-shaqaynta dhexdooda ah oo ku salaysan danta Diinta, Dadka, iyo Dalka.

ISHA-GB.

Previous
Previous

RW-XAMSE OO KORMEER SHAQO KU TEGAY WASAARADDA QORSHEYNTA.

Next
Next

DG KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA OO CODSATAY LA SOO XIRO LAFTAGAREEN.