RW-XAMSE OO KA QEYBGALAY SHIR CILMIYEED.

(SAWIRKA)-SHIR CILMIYEED.

(MUQDISHO)-Reysal Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb galay Shir-Cilmiyeedka 3-aad ee Madasha Horumarinta Bariga Afrika, ayaa sheegay in Qaran-dhiska nuxurkiisu yahay xoojinta hey’adaha, kor u qaadista wacyiga bulshada iyo qorsheyaal cad cad oo ka tarjumaya halka dalka loo jiheynayo. Reysal Wasaare Xamsa, ayaa sheegay in dalkeenna loo jiheeyay dhanka horumarka iyada oo lagu salaynayo cilmi baarisyo lagu qeexay Qorshaha Isbeddelka Qaranka, iyo Qorshaha Hiigsiga 2060 ee la doonayo in horumar muuqda lagu gaarsiiyo dalkeenna. Mudane Xamsa, ayaa tilmaamay in Aqoonyahanka Soomaaliyeed looga baahan yahay samaynta cilmi-baaris la xiriirta yareynta saboolnimada, wax ka qabashada isbeddelka cimilada, horumarinta Waxbarashada, Caafimaadka, iyo istaraatiijiyadaha lagu xoojinayo nabadda iyo xasilloonida dalka. “Dowladda Soomaaliyeed waxa ay la timid aragti Qaran oo ku saleysan Cilmi-baarisyo waa-weyn oo lagu saleeyay Qorshaha Qaranka ee sannadaha soo socda, sidaas darteed Aqoonyahanka iyo Haldoorka Soomaaliyeed waxaa looga baahan yahay in ay qeyb ka noqdaan sahanka u maqan dalkeenna iyo halka aynu berri degi doonno” Ayuu yiri Reysal Wasaaruhu. Reysal Wasaaraha, ayaa xusay in hadda ay xaqiiqo tahay waxa uu dalkeennu u baahan yahay sidaas darteed dowladdu ay u sahmisay istaraatiijiyad cad, iyada oo laga faa’iideysanayo Khayraadka dabiiciga iyo tan ugu muhiimsan oo ah awoodda oo loo celiyo shacabkeenna dhallinyarada u badan.

ISHA-SNTV.


Previous
Previous

GEN.MUHOOZI OO KA HADLAY INUU JIRO WADA HADAL QARSOODI AH UNA DHEXEEYO ALSHABAAB IYO MARAYKANKA.

Next
Next

QARAX KA DHACAY KULLIYADDA JAALLE SIYAAD EE MUQDISHO.