GEN.MUHOOZI OO KA HADLAY INUU JIRO WADA HADAL QARSOODI AH UNA DHEXEEYO ALSHABAAB IYO MARAYKANKA.

(SAWIRKA)-GEN.MUHOOZI-UGANDA.

(UGANDA)-Taliyaha Ciidamada Difaaca Uganda General Muhoozi Kainerugaba, ayaa si kulul u dhaliilay Mareykanka iyo xulafadiisa reer Galbeedka, isagoo ku eedeeyay inay sharciyeynayaan kooxaha xagjirka ah ee Bariga Dhexe iyo Geeska Afrika. Qoraal uu fiidnimadii Arbacada la wadaagay Col Chris Magezi, Gen. Muhoozi waxa uu ku andacooday in Maraykanka iyo “Galbeedka oo wadajira” ay aqoonsanayaan AL-Qaacidada Suuriya uu ula jeedo kooxda Xayat ALshaam,iyada oo Israa’iil lagu eedeeyay in aanay muujin wax diidmo ah. Waxa uu intaa ku daray iney soo baxeen warar tilmaamaya in Maraykanku uu wada xaajood qarsoodi ah la bilaabay kooxda Argagixisada ah ee AL-Shabaab ee fadhigeedu yahay Soomaaliya. "Maraykanka iyo reer galbeedka oo wada jira waxay aqoonsan yihiin AL-Qaacidada Suuriya, xitaa walaalaheen Israa'iil waxay u muuqdaan iney xaaladdan eysan iska diidin? Waxaan xitaa maqalnaa in Maraykanku uu wadahadal Qarsoodi ah la bilaabay kooxda AL-Shabaab ee Soomaaliya," Muhoozi ayaa sidaas ku qoray bartiisa (X). Afarta xidigta guud, oo sidoo kale ah Lataliyaha Sare ee Madaxweynaha ee Hawlgallada Gaarka ah, ayaa si maldahan u sheegay horumarkan ku baaqaya in dib loo qiimeeyo doorka Uganda ee Taageerada iyo Zasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM). Waxa uu soo jeediyay in “Guud ahaan” Ciidamada Difaaca Uganda (UPDF) laga saaro Soomaaliya, howlgalkaas oo ay qeyb ka ahaayeen 18-kii sano ee la soo dhaafay. "Waxaan ka codsan doonaa taliyaha guud ee Ciidamadda inuu si weyn u tixgeliyo ka bixitaanka guud ee Soomaaliya 18 sano ka dib," ayuu raaciyay. Uganda ayaa ah dalkii ugu horeeyay ee ciidamo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) la geeyo Soomaaliya sanadkii 2007-dii, kuwaasi oo u wareegay ATMIS sanadkii 2022-kii, haatanna ay noqdeen AUSSOM. Ciidamada UPDF ayaa door hormuud ah ka qaatay la dagaalanka AL-Shabaab iyo xasilinta magaalooyin muhiim ah oo ay ku jiraan caasimada Muqdisho iyo Kismaayo. Uganda sidoo kale waa dalka ugu badan oo ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, hadalka Gen. Muhoozi ayaa muujinaya in Uganda ay ka go’an tahay in muddo ahna ey ka go’oneed sugidda ammaanka Soomaaliya. Hadaladiisa ayaa su’aal gelinaya sida ay uga go’an tahay saaxiibada caalamiga ah ee ku hawlan howlgallada ka dhanka ah Argagixisada ee gobolka. Waxa la sugayaa waxa uu Madaxweyne Yoweri Museveni, oo ah Taliyaha Guud ee Ciidanka UPDF, uu arrintan ka yiraahdo. Dalka Maraykanka waxa uu ka mid yahay wadamada DFS ka taageero dabar gooynta Aragagixisad ALshabaab iyo Daacish ee ka dagaalama gudaha dalka,waxa uuna Maraykanka bixiyaa tababarada ugu adag ee la siiyo Ciidamadda DFS gaar ahaan Ciidamadda Gaarka ah ee DANAB kuwaaso baacsada Argagixisada meel kasta ey ka joogto dalka Soomaaliya. Wiilka Musevene Muhoozi waxa uu sheegay waa hubanti la’aan wax loo yiri iyo xog isaga ka maqan ama uu ogyahay balse uusan rabain inuu wax ka yiraahdo.

ISHA-UGDIPLOMAT.

Previous
Previous

DALKA ISBEYN OO GANAAXAY TABABARE ANCELOTTI,SABABTA?

Next
Next

RW-XAMSE OO KA QEYBGALAY SHIR CILMIYEED.