DALKA ISBEYN OO GANAAXAY TABABARE ANCELOTTI,SABABTA?
(SAWIRKA)-TABABARE ANCELOTTI.
(SPAIN)-Tababaraha Xulka K/Cagta Brazil Carlo Ancelotti ayaa Maxkamad Isbeynku taal waxay ku xukuntay hal sano oo xarig ah ka dib markii lagu helay inuu Lunsaday Canshuur laakiin masii ahaan doono inuu Xabsiga ku sii jiro. Tababarihii hore ee kooxaha Chelsea iyo Everton ayaa lagu eedeeyay inuu ku guuldareystay inuu bixiyo Canshuur dhan 1m euros oo u dhiganta (£830,000) oo uu mushaar ahaan u qaadan jiray mudadii u horeysay ee uu Tababaraha u ahaa kooxda Real Madrid intii u dhaxeysay 2013 ilaa 2015. Ma uu geli doono Xabsiga laakiin taas bedelkeeda waa inuu bixiyaa Ganaax dhan 386,361.93 euros (£333,045.92) ama $452,331.30. Tababare Ancelotti, waa 66 jir, waxa uuna soo gabagabeeyay waayihiisa labaad ee kooxda Real Madrid dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore, waxaana uu qabtay Xulka K/cagta Brazil. Sida uu dhigayo sharciga Isbaanishka, xukun kasta oo ka yar laba sano oo ah dembi aan rabshad lahayn ayaa dhif u ah eedaysanaha iyada oo aan xukun hore lagu helin in uu ku dhamaysto xabsiga. Horaantii sanadkan, Ancelotti waxa uu sheegay "Inuu waligiis ku fikirin inuu sameeyo wax isdaba marin" sida uu Maxkamada ka hor sheegay. Ancelotti ayaa sheegay in kooxda Real Mardid ay u soo bandhigtay mushaar dhan 6m euros (£5.1m) isla markaana uu qaab dhismeedkiisa uga tagay la taliyayaashiisa dhaqaalaha. "Waxaan u maleynayay inay ahayd wax iska caadi ah sababtoo ah waqtigaas dhammaan ciyaartoyda iyo tababarihii hore waxay sameeyeen [si la mid ah]," ayuu yiri,waxa uuna Ancelotti uu si buuxda u soo celiyay deynta December 2021. Lionel Messi oo markaas la joogay Barcelona, ayaa markii hore lagu xukumay 21 bilood oo xarig ah sannadkii 2017, laakiin ciqaabtan ayaa markaas laga dhigay Ganaax lacageed oo dhan 252,000 oo Yuuro, iyadoo aanay jirin wax xarig ah oo lagu xiray. Weeraryahanka Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa aqbalay Ganaax dhan 18.8 milyan euro sanadka 2019. Tababare Jose Mourinho, oo ah macalinkii hore ee Chelsea, ayaa lagu Ganaaxay 2.2m Yuuro oo la xiriirta canshuuraha lagu soo oogay waqtigii uu Real Madrid u ahaa 2011-2012-kii.
ISHA-BBC.