QARAX KA DHACAY KULLIYADDA JAALLE SIYAAD EE MUQDISHO.

(SAWIRKA)-HALKA QARAXA UU KA DHACAY.

(MUQDISHO)-DEG-DEG: Wararka laga helaayo caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in abaarihii saacadda Muqdisho markii ey ahayd 11:20-kii subaxnimo uu Qarax ka dhacay Kuliyadda Jaalle Siyaad ee degmada Hodan G/Banaadir. Qaraxa oo laga maqlay daafaha caasimadda Muqdisho ayaa la sheegay inuu fuliyey qof Naftiis haliga,balse warar qaarkood ayaa sheegaayo in Naftiis haligaha uusan gaarin halkii uu rabay inuu isku qarxiyo, warar kale ayaa sheegaayo in Qaraxa uu ahaa mid horay meesha loo sii geliyey sidaasne uu ku qarxay. War Saxaafadeed kooban ey soo saartay Wasaaradda G/dhiga XFS ayey ku sheegtay in Qarax ka dhacay Kulliyadda Jalle Siyaad uuna fuliyey Naftii halige, dibne ey ka soo sheegi doonto khasaraha ka dhashay Qaraxa saakay ka dhacay Kulliyadda Jaalle Siyaad abaarihii 11:20-AM. Kooxda AL-shabaab ayaa warbaahinteeda ey ku leedahay Internet-ka ku baahisay iney iyada ka dambeyso Qaraxii saakay ka dhacay Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaaladda Muqdisho,kooxda ayaa sheegtay in Qarax loola dan lahaa in lagu khaarijiyo Saraakiil Ajaabin ah oo tababarta CXDS mana eysan sheegin kooxdu khasaaraha ka dhashay Qaraxaasi dhacay saakay. Marka aan dib ugu noqono Qaraxyadda lala beegsado Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaaladda Muqdisho ayaa ah kuwa soo laalaabto,tusaale ahaan Qaraxii ugu khasaaraha badnaa abid ee ka dhaca Kuliyadda Jaalle Siyaad ayaa ahaa midkii dhacay sannadkii 2023-kii, waxaane Qaraxaasi ku dhintay inta la xaqiijiyey ilaa 25-qofood waxaane ku dhaawacmay ila 70-qofood oo kale. LA SOCO WIXI SO KORDHO.

ISHA-SB-MEDIA.

Next
Next

DALKA GIRIIGA OO WAR CULUS KA SOO SAARAY MUHAA…