DALKA GIRIIGA OO WAR CULUS KA SOO SAARAY MUHAA…

(SAWIRKA)-MARKAB SIDAY MUHAAJIRIIN.

(ATHENS)-Intiinii akhrisay shalay Qoraalkeynii ku saaabsanaay Wafdigii ka socday Yurub kana koobnaay Wakiilka Midawga Yurub ee Socdaalk Magnus Brunner iyo saraakiil kale oo ka kala socotay dalalka Giriiga,Talyaaniga iyo Malta iney booqdeen labada maamul ee ka jira dalka Liibiya kuwaaso kala fadhiya Bariga iyo Galbeedka dalka Liibiya. Wafdiga reer Yurub ee gaaray dalka Liibiya ayaa waxaa diidmo adag kala horyimid kooxda fadhigeedu yahay Bariga ee uu hogaamiyo Reysal Wasaare Cusaama Xamad ka dib markii ey soo gaareen garoonka diyaaradaha ee Benina ee magaaladda Bengaazi iyagoo ka soo safray caasimadda Tripoli halkaaso ey kula soo kulmeen Xukuumadda Caalamku Aqoonsan yahay ee uu hogaamiyo Reysal Wasaare C/xamiid Debeybah. Kooxda fadhigeedu yahay Bariga dalka Liibiya ee uu Reysal Wasaaraha u yahay Cusaama ayaa sheegay ineysan qaabileyn,wax eyna ku amreen wafdiga reer Yurub iney dalka isaga baxaan sida ugu dhaqsiyaha badan,Maxay dhashay arrintii dhacda shalay?. War uu soo saaray Reysal Wasaaraha dalka Giriiga Kyriakos Mitsotakis ayuu ku sheegay in la joojiyey muddo seddex bilood ah dhegeysiga dacwadaha megengelyada ee Muhaajiriinta ka imaanaayo Waqooyiga Qaaradda Afrika,arrintaan ayaa ku soo hagaageysa waqti ey sii kordhayaan Muhaajiriinta ka imaaneysa dalka Liibiya ee gaaraayo dalka Giriiga. Reysal Wasaaraha Giriiga ayaa yiri “JIDKII LAGU IMAANAYEY GIRIIGA WAA UU XIRMAY,MUHAAJIR KASTA OO SI SHARCI DARRA AH KU SOO GALA DALKA GIRIIGA WAAN XIRI DOONAA XABSI AYAANA KU HEYN DOONAA”.

ISHA-SB-MEDIA.

Previous
Previous

QARAX KA DHACAY KULLIYADDA JAALLE SIYAAD EE MUQDISHO.

Next
Next

MIDAWGA YURUB OO CULEYS XOOGAN SAARAAYO DALKA LIIBIYA,SABABTA?